Khudbada Jimcaha
Qaybtan waa qayb aan ugu tala galay inaan kusoo bandhigno kuna keydino Khudbooyinka Jimcaha ee aan ku qoro bogeyga Facebook-ga. Khudbooyinkaas oo kala duwan kana hadlaya xaalado kala duwan.
Sidoo kale waxaa ku jira qaybtan ama lagu soo dari doonaa Ciwaano kale oo diini ah kuwaas oo si guud bulshada u anfacaya si gaar ahna qaarkood ay ula xiriiraan bahda caafimaadka.
Ilaahey wuxuu dhahay:
وَهُوَ الَّذِي يُنَزِّلُ الْغَيْثَ مِنْ بَعْدِ مَا قَنَطُوا وَيَنْشُرُ رَحْمَتَهُ وَهُوَ الْوَلِيُّ الْحَمِيدُ
Ilaahey Naxariistiisa iyo Nimcooyinkiisa ayay kamid tahay Roobka kaas oo dadka, dhirta, dhulka iyo Xayawaanka dhamaan ay ku barwaaqsadaan.
Ilaahey wuxuu dhahay:
“وَلَا يَحِيقُ الْمَكْرُ السَّيِّئُ إِلَّا بِأَهْلِهِ”
من السنن الكونية أن المكر السيء يحيق بأهله Oo micnaheedu yahay Dhagarta iyo khiyaanada ma dhibto ilaa qofka ka danbeeyo maahine, wuxuuna qofkaas gacmihiisa ku qodayaa qabrigiisa.
Dhamaanteen waxaa booqanay Qabri oo dad aan jecelnahay, ehel, asxaab ayaan wax kasoo aasnay ama Janaazo ayaa ku dukanay ee 𝐌𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚𝐚 𝐪𝐨𝐟 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐝𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐚𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚, 𝐊𝐢𝐛𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢, 𝐅𝐚𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢, 𝐐𝐮𝐫𝐮𝐱𝐝𝐢𝐢, 𝐐𝐚𝐛𝐢𝐢𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐦𝐚 𝐰𝐚𝐱 𝐮𝐮𝐧 𝐥𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐛𝐫𝐢𝐠𝐚.
Walaalayaal sida aan wada ognahay, bahda Caafimaadka sida Dhakhaatiirta, Umulisooyinka, Sheybaariistayaasha iyo nuucyada kale qaybo kamid ahba waxay kala qaataan Commission kaasoo ku imaada siyaabo kala duwan sida in Bukaano u baahan Baaritaan ama Qaliin ama uun Adeeg caafimaad qayb kamid ah;
hadaba wada shaqeynta nuucaas ah oo ku saleysan wax iisoo dir waxaasna qaado, 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐚 𝐝𝐢𝐢𝐧𝐭𝐞𝐞𝐧𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚?
Ilaahey wuxuu leeyahay:
وَرَبُّكَ يَخْلُقُ مَا يَشَاء وَيَخْتَارُ
𝐈𝐥𝐚𝐚𝐡𝐞𝐲 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐬𝐛𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐣𝐢𝐦𝐜𝐚𝐡𝐚 sida Nabigeena SCW uu yiri:
خير يوم طلعت عليه الشمس يوم الجمعة فيه خلق آدم وفيه أدخل الجنة وفيه أخرج منها ولا تقوم الساعة إلا في يوم الجمعة
Fadlan sii aqri
Ilaahey wuxuu leeyahay:
وَرَبُّكَ يَخْلُقُ مَا يَشَاء وَيَخْتَارُولَا تَتَمَنَّوْا مَا فَضَّلَ اللَّهُ بِهِ بَعْضَكُمْ عَلَى بَعْضٍ لِلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِمَّا اكْتَسَبُوا وَلِلنِّسَاءِ نَصِيبٌ مِمَّا اكْتَسَبْنَ وَاسْأَلُوا اللَّهَ مِنْ فَضْلِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا
Bani’aadamka mar kasta waxay jecelyihiin waxa ay haystaan iyo wax kabadan inay sii helaan iyadoo ay ugu daran tahay marka ay sii weynaadaan.
Fadlan sii aqri
𝐍𝐮𝐱𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝𝐚:
Shacabka Falastiin waa dad dulman oo Naftooda, Dhulkooda, Maalkooda iyo Sharaftooda lagu soo duulay ugana baahan umada Muslimiinta inay u gar gaaraan sida uu Allah yiri:
وإن استنصروكم في الدين فعليكم النصر إلا على قوم
بينكم وبينهم ميثاق والله بما تعملون بصير
Iyo sida uu yiri Nabigeena SCW marka uu ka hadlaaye sida ay isugu damqadaan xiliga dhibaatada:
المؤمن للمؤمن كالبنيان يشد بعضه بعضًا
كُنْتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ
Diinteena waxay xoojisay in Xumaatada (Fuxshiga), Dulmiga iyo waxa lamidka ah aan reebno.
Nabigeena SCW ayaa maalin maalmaha kamid ka mid ah usoo galay xaaskiisa Zeinab asigoo naxsan markaas buu wuxuu ku dhahay Carab halaag baa u sugnaadaay” markaas bey xaaskiisa ku tiri “ ma nala halagaayaa anagoo dad wanaagsan ay na dhax joogaan?” Markaasuu Nabiga SCW yiri “Haa, إذا كثر الخبث”.
ويل للعرب من شر قد اقترب، فتح اليوم من ردم يأجوج ومأجوج مثل هذا؛ وحلق بين إصبعيه قالت له زينب: يا رسول الله أنهلك وفينا الصالحون؟ قال: نعم، إذا كثر الخبث يعني: إذا كثرت الشرور والمعاصي
Ilaahey wuxuu dhahay:
وَإِنْ مِنْكُمْ إِلًّا وَارِدُهَا كَانَ عَلَى رَبِّكَ حَتْمًا مَقْضِيًّا ثُمَّ نُنَجِّي الَّذِينَ اتَّقَوْا وَنَذَرُ الظَّالِمِينَ فِيهَا جِثِيًّا
Ilaahey wuxuu leeyahay oo uu wacad ku maray in dhamaan dadka ay naarta ku aroorayaan oo siraadka la dul marayo iyadoo ay badbaadi doonaan kaliya dadka dhowrsaday ee Alle ka cabsaday kaliya.
Qofka muslinka ah muhiimad weyn ayay u leedahay Badbaado oo uu ka badbaado Cadaabka Allah; waxa uu qofka mu’minka u dadaalayo cibaadada u sameynayo waa inuu helo raali ahaanshaha Alle, galo Janada kana badbaado cadaabta.
Sababaha lagu galo Janado waxaa ugu horeeya 𝐪𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚 𝐲𝐚𝐪𝐢𝐢𝐧𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 “لااله إلا الله ” sida uu yiri Nabigeena SCW “ مَن شهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريكَ له، وأنَّ محمّدًا عبده ورسوله، وأنَّ عيسى عبدالله ورسوله، وكلمته ألقاها إلى مريم، وروح منه، والجنّة حقّ، والنّار حقّ؛ أدخله اللهُ الجنَّة على ما كان من العمل
Ilaahey wuxuu leeyahay:
إنا أنزلناه في ليلة القدر ، وما أدراك ما ليلة القدر ، ليلة القدر خير من ألف شهر ، تنزل الملائكة والروح فيها بإذن ربهم من كل أمر، سلام هي حتى مطلع الفجر
𝐖𝐚𝐥𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐂𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝟐𝟕-𝐤𝐚 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐢𝐝 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐡𝐚𝐛𝐞𝐞𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐛𝐚𝐝𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐋𝐚𝐲𝐥𝐚𝐭𝐮𝐥 𝐐𝐚𝐝𝐫.
Ilaahey wuxuu leeyahay:
وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا
Walaalayaal Maalmahaan waxaa batay in si fudud la isku dilo, qoys qoys kale dilo, aano qabiil la isku dilo welibana si naxariis daro ah oo islaanimada ka fog cadaabna ah la isku dilo.
Ilaahey wuxuu leeyahay 𝐐𝐨𝐟𝐤𝐢𝐢 𝐝𝐢𝐥𝐚 𝐪𝐨𝐟 𝐦𝐮’𝐦𝐢𝐧 𝐬𝐢 𝐤𝐚𝐬 𝐚𝐡 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐦𝐮𝐭𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐉𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐦𝐨 taas uu ku waaraayo, ilaaheyna wuu u caroonaa Naxariista Allah na ma helayo waxaana la cadaabayaa Cadaab daran
Fadlan sii aqri
Ilaahey wuxuu leeyahay:
ادْعُوا رَبَّكُمْ تَضَرُّعًا وَخُفْيَةً ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُعْتَدِينَ
Walaalayaal waxaan gali rabnaa Tobankii danbe ee bisha barakeysan ee Ramadaan, Bishii ducada, Salaada, Quraanka, Sadaqada iyo dhamaan Acmaasha wanaagsan.
