Khudbada Jimcaha: Qanaacada (22 Sep 2023)

ولَا تَتَمَنَّوْا مَا فَضَّلَ اللَّهُ بِهِ بَعْضَكُمْ عَلَى بَعْضٍ لِلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِمَّا اكْتَسَبُوا وَلِلنِّسَاءِ نَصِيبٌ مِمَّا اكْتَسَبْنَ وَاسْأَلُوا اللَّهَ مِنْ فَضْلِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا
Bani’aadamka mar kasta waxay jecelyihiin waxa ay haystaan iyo wax kabadan inay sii helaan iyadoo ay ugu daran tahay marka ay sii weynaadaan.
Ma fiiriyaan kuwa ka liitaan oo mar kasta waxay u hanqal taagayaan booska kuwa ka sareeya.
Qofku inuu ku Qanco waxa uu Allah siiyay waxaa lagu tilmaamaa Nolol Wanaagsan sida ay asxaabta qaar (Calin bin abii daalib) ku fasireen.
Xadiithkan waxaa Anas uu ka wariyay Nabiga SCW:
لَوْ كانَ لاِبْنِ آدَمَ وادِيانِ مِن مالٍ لابْتَغَى وادِيًا ثالِثًا ولا يَمْلأُ جَوْفَ ابْنِ آدَمَ إلَّا التُّرابُ، ويَتُوبُ اللَّهُ علَى مَن تابَ.
Xadiith Kale Nabiga SCW wuxuu dhahay:
قد أفلح من أسلم، وكان رزقه كفافا، وقنعه الله بما آتاه
Xadiith kalana Nabiga SCW wuxuu yiri:
ليس الغنى عن كثرة العَرَض، ولكن الغنى غنى النفس
Alhamdulilah, inuu Allah na siiyay Islaanimo, Caafimaad, Shaqo iyo Nolo farxad leh.
Aan uga mahad celino Allah nimcooyinkaas si uu noogu siyaadiyo
اللهم صلي على محمد وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، وبارك على محمد وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد.

Waxaa la Qoray

September 2023

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Baraarujin: Allaha nagu anfaco waanada oo na waafajiyo Xaqa meel kasta oo aan joogno. Aamiin.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.