Khudbada Jimcaha: Dhagarta (6 Oct 2023)

Ilaahey wuxuu dhahay:
“وَلَا يَحِيقُ الْمَكْرُ السَّيِّئُ إِلَّا بِأَهْلِهِ”
من السنن الكونية أن المكر السيء يحيق بأهله
Oo micnaheedu yahay Dhagarta iyo khiyaanada ma dhibto ilaa qofka ka
Khudabada waxaa Shiiqa Tusaalooyin usoo qaatay qisooyin badan oo Quraanka kusoo aruuray sida qisadii Nabi Saalax ay qowmkiisa dhagreen, qisadii reer Banii Israail ee Nabi Ciise, Nabi Yuusuf sida ay walaalihiis u makriyeen, Gaaladii sida ay Nabi Muxamad SCW u dhagreen iyo gabagabadii tusaalooyin jira zamankan aa noolnahay.
Tusaale Allah marka uu ka hadlaaye sida Nabi Salaax calayhi salaam loo dhagray iyo sida ay qowmkiisa ay isugu dayeen inay dilaan iyo sida uu Allah ugu soo dadajiyay Cadaabta una burburiyay Qowmkii reer Banii Saalax.
وَكَانَ فِي الْمَدِينَةِ تِسْعَةُ رَهْطٍ يُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ
Ka sokow qisada la wada ogyahay ee Sagaalkan nin, Mufasiriinta waxay isla qabaan kuna fasireen in ay ahaayeen 9 nin oo Fasahaad ka shaqeysa, mid kastoo ayaga kamid ahna uu hogaamiyo koox badan oo mufsidiin ah.

Sidoo kale Nabi Ciise markii uu Allah ka hadlaaye sidii loo dhagray iyo sida uu Allah u badbaadiyay wuxuu yiri Allah:

‎وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا الْمَسِيحَ عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ رَسُولَ اللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَكِنْ شُبِّهَ لَهُمْ وَإِنَّ الَّذِينَ اخْتَلَفُوا فِيهِ لَفِي شَكٍّ مِنْهُ مَا لَهُمْ بِهِ مِنْ عِلْمٍ إِلَّا اتِّبَاعَ الظَّنِّ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينًا

Sheekha wuxuu soo qaatay Qisadii Yahuuda iyo sida ay Nabi Muxamad SCW ay u dhagrayeen iyo sida ay dhibaatada ay ayaga ugu noqotay:
‎وَكَذَلِكَ جَعَلْنَا فِي كُلِّ قَرْيَةٍ أَكَابِرَ مُجْرِمِيهَا لِيَمْكُرُوا فِيهَا وَمَا يَمْكُرُونَ إِلَّا بِأَنْفُسِهِمْ وَمَا يَشْعُرُونَ
Sidoo kale Allah SWT asigoo adkeynaya in kuwa wax khiyaana oo makra ay iyagu dhibaatada ku noqoneyso wuxuu yiri:
اسْتِكْبَارًا فِي الْأَرْضِ وَمَكْرَ السَّيِّئِ وَلَا يَحِيقُ الْمَكْرُ السَّيِّئُ إِلَّا بِأَهْلِهِ
Sidoo kale wuxuu Allah SWT wuxuu yiri: ‎
وَيَمْكُرُونَ وَيَمْكُرُ اللَّهُ وَاللَّهُ خَيْرُ الْمَاكِرِينَ
Gabagabadii wuxuu sheekha soo qaatay aayado goodis ah uu Allah uga digaayo dadka wax dhagra iyo kuwa dulmiya cadaabka adag oo ay aakhiro la kulmi doonaan. ‎وَالَّذِينَ يَمْكُرُونَ السَّيِّئَاتِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ وَمَكْرُ أُوْلَئِكَ هُوَ يَبُورُ Wuxuu Allah ayaadan ku sheegay in kuwa wax makriya ay aduunkana ay dhagartooda ayaga ku noqoneyso Aakhirana uu Cadaab adag sugaayo.

Xaaladahaan roobka walaalayaal 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐭𝐚𝐝𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐬𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 ah ee meelaha jajaban degan sidaa daraadeed aan ka warqabno masaakiinta oo aan kaalmeyno.

𝐃𝐡𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚:
Qofka ah Xirfadle Caafimaad waxaa muhiim ah rto
1. Inuu leeyahay Anshax wanaagsan iyo amaano una guto waajibaadkiisa shaqo si Alle ka cabsi ku ji
2. Inuu si cadaalad ah oo isku mid ah ugu adeegaa bukaanada daryeelka usoo doontay.
اللهم صلي على محمد وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، وبارك على محمد وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد.

اللهم امكر لنا ولا تمكر علينا، واعنا ولا تعن علينا، واهدنا سواء الصراط. اللهم املأ قلوبنا وقلوبهم بالإيمان واليقين، اللهم اجعلنا أغنى الأغنياء بك وأفقر الفقراء إليك، ولا تجعل لنا إلى سواك حاجة، وأغننا اللهم بفضلك عمن أغنيته عنا يا رب العالمين! أغننا اللهم بحلالك عن حرامك، وبفضلك عمن سواك.أمين.

Waxaa la Qoray

October 2023

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Baraarujin: Allaha nagu anfaco waanada oo na waafajiyo Xaqa meel kasta oo aan joogno. Aamiin.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.