Marka laga soo tago qaliimada lafaha, Dr.Sayid wuxuu sidoo kale qaalin u sameeyaa Lafa Qalooca (Nooca lagu dhasho iyo Nooca dadka waaweyn)
Qaliimada Qalooca Lafaha
Qalooc ku imaada lafaha ama kala goysyada wuxuu ku dhici karaa dadka waaweyn iyo caruurta. Ilmaha yar yar xanuunada ugu badan ee ku dhaca waxaa ka mid ah Caga gedis (Clubfoot) iyo lugaha oo qaloocda (Dalbo ama Gadaf); Daaweynta qalooca nuucan ah waxay ku xeran tahay da’da cunuga iyo qalooca inta uu la eg yahay balse badanaa ilmaha yar yar waxaa ku filan baxnaaneyn iyo la socosho ama in loo xero wax saacidaayo oo k ahortagayo qalooca inuu ka daro (brace).
Dr.Sayid wuxuu daaweyn iyo qaliinba u sameeyaa xanuunada lafa qalooca ee caruurta ku dhaca. Wuxuuna ku guuleystay tiro caruur ah oo la ildarnaa cago qalooc iyo lugo qalooc intaba.
Bukaanada qaba xanuunada Sokorowga ee Infekshanka ka qaba lugaha ama meelaha kale ee jirka
Jaritaanka (in la gooyo) lug ama gacan dhimatay
Qaliimada Neerfaha (in cadaadis laga qaado neerfe sida gacanta ama lugta)