Qaybta Bukaanada

Qaybtan waxaad ka heleysaa xog caafimaad oo loogu tala galay in bukaanka faham guud ka siiso Xanuunada ugu badan ee lafaha, kala goysyada, daaweyntooda iyo Qaliimadooda.

Ciwaanada waxay u sameysan yihiin qayb qayb iyadoo qayb kastana ay kuhoos jiraan xanuunada iyo dhaawacyada ugu badan ee ku dhaca jirka. 

F.G: Xogtani waa Macluumaad guud oo loogu tala galay in bukaanka faham ka qaato mana loogu talo galin in go’aan caafimaado lagu saleeyo;

Fadlan mar kasta la tasho Dhakhtarka. 

Xog Caafimaad (Patient Education)

Xuquuqda Bukaanka:

Ma ogtahay in bukaanku lee yahay xuquuq marka uu tago goobaha caafimaadka; Xuquuqda aasaasiga ee bukaanka waxaa ka mid ah

  1. Inuu helo soo dhaweyn iyo daaweyn ay Xushmad ku dheehan tahay
  2. In Xanuunkiisa xog dhameystiran laga siiyo
  3. In Ogolaasho la weydiisto wax kasta oo loo qabanaayo

Read More

Qaybtan waxaa kujira Xog guud oo muhiim ay tahay inuu bukaanku fahmo waxaana ka mid ah

  1. Qaliinka kahor (waxyaabaha uu maraayo bukaanka)
  2. Qaliinka Kadib (Soo kabsashada Qaliinka kadib)
  3. Suuxdinta (Suuxdin noocee ah ayaa la ii sameynaa?)
  4. Xogo kale

Read More

Shilalka sida kufitaan, jug, shil gaari, meel sare oo laga soo dhaco, iwm waxaa ka dhasha dhaawac ama jab gaara qayb ka mid ah jirka.

Jab waxaa la dhahaa laftii xiriirsaneed oo kala jabta; jabku wuxu noqon karaa mid lafta ay maqaarka banaanka uga soo baxdo iyo mid ay gudah ku jirto;

wuxuu sidoo kale noqon karaa mid ay laafihii kala jabay isku aadan yihiin ama mid ay is dhaafsan yihiin.

Dhamaan Jababka Lafaha kala duwaan ee jirka sida Kalxanta, Bowdada, Garabka, Jilibka, Laf dhabarta ayaa halkan kaga bogan kartaa.

Read More

Xanuunada qaar waxaa Dhakhtarku ku taliyaa Jimicsi sidoo kalana qaliinka kahor iyo kadib dhakhtarku wuxuu u diraa bukaanka Jimcsi.

Jimicsiyada halkan aad ka heleysid waxaa ka mid ah

  1. Jimicsiyada Jilibka
  2. Jimicsiyada Dhabarka
  3. Jimicsiyada Garabka
  4. Jimicsiyada Qoorta

iyo kuwa kale oo badan

Read More

Xanuunada kala goysyada, Seedaha, Murqaha iyo xanuuno kale oo ay bukaanada lafaha u imaadaan Isbitaalada ayaa halkan idin kula wadaagayaa. 

Xanuunadaas waxaa kamid ah: 

  1. Xanuunada Kala goysyada
  2. Rumatiisam
  3. Tiibishada Lafaha
  4. Lafaha oo Jilca (Osteoporosis)
  5. Nabraha Sokorowga
  6. Burooyinka Lafaha
  7. Dhaawacyada Gym-ka
  8. COVID19

iyo kuwo kaloo badan

Read More

Halkan waxaan kusoo koobnay Su’aalaha ugu badan ee bukaanka iyo Dhakhtarka Lafaha dhax mara sida:

  1. Jabkeyga mala kabi karaa?
  2. Cunugeyga Lugaha ayaa ka qaloocan?
  3. Jilibka qujuc ayaa ka yeereysa

Fadlan hadii ay jiraan Su’aalo aanan xusin noogu soo dir Emailka ortho@drsayid.com

 

Read More

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.