Orthopaedic Surgeon In Somalia

Dr. Sayid omar Mohamed

MBBS, MMed Orthopedics
Dhakhtarka Daaweynta & Qaliinka Lafaha

Dr.Sayid omar waa Dhakhtar ku taqasusay Qaliinka iyo Daaweynta Xanuunada Lafaha iyo Kala qoysyada. Dhakhtarku wuxuu Waxbarashadiisa heerka koowaad kusoo qaatay Jaamacada Beihua ee dalka Shiinaha asigoo kasoo qalin jebiyay sanadkii 2012; Taqasuska Qaliinka Lafaha wuxuu kusoo qaatay Isbitaalka 1aad ee Jaamacada Jilin ee dalka Shiinaha asigoo soo dhameeyay Sanadkii 2018; wuxuu sidoo kale tababaro kusoo qaatay Isbitaalada St.Mary, St.Orsola iyo Agakhan oo ku kala yaal magaalooyinka Nairobi iyo Tharaka ee dalka Kenya.
Ururada uu Dr.Sayid ka tirsan yahay:
1. Somali Orthopedic Association
2. Somali Medical Association
3. SICOT
4. AO Trauma
5. OTA
6. AAOS

Adeegyada Dhakhtarka

Daaweynta iyo Qaliimada Jajabka

Dhaawac yada iyo Jajabka Lafaha waa waxa ugu badan oo ay bukaanadu u tagaan Isbitaalada; Ma ogtahay in shilalka/dhaawacyada ay yihiin waxa ugu badan oo ay u dhintaan una cuuryaamaan dadka da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 45 sano. Dr.Sayid waxa uu maalin kasta daaweeyaa bukaano ka cabanaya jajab ama dhibaatooyin ka dhashay jajabka lafaha sida xanuun, kala goys adkaaday, qalooc, kabaabyo, adimaha oo kala dheeraaday iyo dhibaatooyin kale oo badan.
Read More

Daaweynta Xanuunada Lafaha

Dr.Sayid wuxuu la tacaalaa dhamaan xanuunada lafaha ha ahaadaan kuwa ilmuhu ku dhashaan ama kuwa qofka dib uga dhaca.

Xanuunada ugu badan waxaa ka mid ah kuwo ku dhaca caruurta iyo kuwo dadka waaweyn

 

Read More

Daaweynta & Qaliimada Kala goysyada

Xanuunada kala goysyada waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan oo ay bukaanadu u tagaan Isbitaalada. Dadka waaweyn waxaa badanaa ay qabaan Jilbo xanuun iyo Dhabar xanuun ka dhalatay carjadii ka goysyada u dhaxeysay oo yaraatay ama dhamaatay halka dhalin yaradana ay ku badan yihiin dhaawacyada seedaha kujira kala goysyada.

 

Read More

Daaweynta Xanuunada Dhabarka

Dhabark Xanuunka wuxuu kamid yahay Cudurada ugu badan oo ay bukaanada lafaha ugu tagaan dhakhaatiirta lafaha. Xanuunada Dhabarkana waxay isugu jiraan kuwa ka imaada Murqaha dhabarka, Lafaha, Cadaadis fuula Neerfayaasha kasoo baxa Laf dhabarta, Infekshano iyo Xanuuno kale.

Read More

Qaliimada Infekshanka Lafaha & Kala goysyada

Infekshanada ku dhaca lafaha ama kala goysyada waxay noqon karaan kuwa toos ugu dhaca ama kuwa ka imaada qaliin ka dib.

Caruurta yar yar waxaa aad ugu badan Infekshanada ku dhaca kala goysyada Jilibka iyo sinta iyadoo dadka waaweyn sidoo kale ku badan yihiin Infekshanada Jilibka iyo lafaha dhaadheer; Dhamaan infekshanadan waa halis waana in qofka uu isbitaalka deg deg u tagaa si daaweyn ama qaliin loogu sameeyo.

 

Read More

Qaliimo & Daaweyn Kale (Other Surgeries)

Marka laga soo tago qaliimada lafaha, Dr.Sayid wuxuu sidoo kale qaalin u sameeyaa

  1. Lafa Qalooca (Nooca lagu dhasho iyo Nooca dadka waaweyn)
  2. Bukaanada qaba xanuunada Sokorowga ee Infekshanka ka qaba lugaha ama meelaha kale ee jirka
  3. Jaritaanka (in la gooyo) lug ama gacan dhimatay
 

Read More

Wacyigelin (Educational Videos)

Blogs & Latest Medical Updates

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.