Xanuunada kala goysyada waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan oo ay bukaanadu u tagaan Isbitaalada. Dadka waaweyn waxaa badanaa ay qabaan Jilbo xanuun iyo Dhabar xanuun ka dhalatay carjadii ka goysyada u dhaxeysay oo yaraatay ama dhamaatay halka dhalin yaradana ay ku badan yihiin dhaawacyada seedaha kujira kala goysyada.
D.Sayid wuxuu la tacaalaa xanuunadan dhamaan iyadoo daaweyntooduna isugu jirto kaalmaati (sida in daawo, jimicsi, miisaanka oo la dhimo) iyo wax lamid ah qofka lagula taliyo; Bukaanada qaar wuxuu dhakhtarku duraa cirbado kala goyska kuwaas oo ujeedkoodu yahay in xanuunka laga yareeyo bukanka. Bukaanada qaar waxay u baahdaan qaliin sida in Jilibka ama Sinta la bedelo ama seedka; Daawada ama qaliinka waxay ku xeran tahay dhibka intuu la eg yahay, da’da bukaanka iyo rabitaanka bukaanka.