Khudbada Jimcaha: Joojinta Xumaanta (13 Oct 2023)

Ilaahey wuxuu dhahay:
كُنْتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ
Diinteena waxay xoojisay in Xumaatada (Fuxshiga), Dulmiga iyo waxa lamidka ah aan reebno.
Nabigeena SCW ayaa maalin maalmaha kamid ka mid ah usoo galay xaaskiisa Zeinab asigoo naxsan markaas buu wuxuu ku dhahay Carab halaag baa u sugnaadaay” markaas bey xaaskiisa ku tiri “ ma nala halagaayaa anagoo dad wanaagsan ay na dhax joogaan?” Markaasuu Nabiga SCW yiri “Haa, إذا كثر الخبث”.
‎ويل للعرب من شر قد اقترب، فتح اليوم من ردم يأجوج ومأجوج مثل هذا؛ وحلق بين إصبعيه قالت له زينب: يا رسول الله أنهلك وفينا الصالحون؟ قال: نعم، إذا كثر الخبث يعني: إذا كثرت الشرور والمعاصي
Aayad kale Allah SWT wuxuu Lacnaday qaybo badan oo kamid ah reer banii Israa’iil sabatuna waxay ahayn inaysan dulmiga aysan iska reebin
‎لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَى لِسَانِ دَاوُدَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ ذَلِكَ بِمَا عَصَوْا وَكَانُوا يَعْتَدُونَ ۝ كَانُوا لا يَتَنَاهَوْنَ عَنْ مُنكَرٍ فَعَلُوهُ لَبِئْسَ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ
Sidoo kale Aayad kale Allah wuxuu dhahay:
𝐊𝐚 𝐜𝐚𝐛𝐬𝐚𝐝𝐨 𝐅𝐢𝐭𝐧𝐨 𝐤𝐮𝐰𝐢𝐢 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨𝐨𝐧𝐢 𝐤𝐮 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲𝐧 𝐨𝐨 𝐟𝐚𝐚𝐟𝐚𝐲𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐰𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐢𝐧𝐚 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐬𝐚:
واتقوا فتنة لا تصيبن الذين ظلموا منكم خاصة
Aayad kalana wuxuu Allah SWT ku dhahay:
وَمَا كَانَ رَبُّكَ لِيُهْلِكَ الْقُرَىٰ بِظُلْمٍ وَأَهْلُهَا مُصْلِحُونَ
𝐍𝐮𝐱𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐚 in Qof walba uu ka qayb qaato inta awoodiisa ah joojinta Xumaanta baahday sida dulmiga, dhaca, dilka xaq darada, xaaraanta adigoo ka bilaabaya gurigaaga.
𝐉𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚 𝐝𝐚𝐠𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐦𝐚𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐢𝐲𝐚𝐚 𝟑 𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐚𝐡:
1. Inaad ku joojiso xumaanta gacantaada
2. Inaad xumaaada ku joojiso oo kula dagaalanto Af (Carabkaaga)
3. Inaad ugu yaraan Qalbiga ka dhibsato hadii aadan wax kale awoodin
Nabigeena SCW wuxuu yiri:
‎مَن رأى منكم منكرًا فليغيره بيده؛ فإن لم يستطع فبلسانه؛ فإن لم يستطع فبقلبه، وذلك أضعف الإيمان
 
𝐀𝐥𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐧𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐨 𝐤𝐮𝐰𝐢𝐢 𝐗𝐮𝐦𝐚𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐫𝐞𝐞𝐛𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐠𝐚𝐧𝐚 𝐤𝐚 𝐟𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐚.
اللهم صلي على محمد وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، وبارك على محمد وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد.

Waxaa la Qoray

October 2023

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Baraarujin: Allaha nagu anfaco waanada oo na waafajiyo Xaqa meel kasta oo aan joogno. Aamiin.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.