Khudbada Jimcaha: Ducada & Muhimadeeda (29 March 2024)
𝐈𝐥𝐚𝐚𝐡𝐞𝐲 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲:
دْعُوا رَبَّكُمْ تَضَرُّعًا وَخُفْيَةً ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُعْتَدِينَ
Rabigiina barya idinkoo isku duleynaya, qarsanaya, aaminsana Alle kaligiisnimadiisa iyo inuu idinka Aqbalayo.
Walaalayaal waxaan gali rabnaa Tobankii danbe ee bisha barakeysan ee Ramadaan, Bishii ducada, Salaada, Quraanka, Sadaqada iyo dhamaan Acmaasha wanaagsan.
𝐃𝐮𝐜𝐚𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐚𝐢𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐀𝐥𝐥𝐚𝐡 𝐛𝐚𝐫𝐲𝐚𝐝𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐡𝐞𝐥𝐚𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐪𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐰𝐞𝐲𝐝𝐢𝐢𝐬𝐭𝐨 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐛𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚 𝐛𝐚𝐥𝐚𝐚𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 sida quraanka kusoo aroortay.
Anbiyo badan markii ay dhibaatoodeen ama la kulmeen culeyso iyo imtixaan wax kale ma sameyn oo waxay baryeen Allah SWT, Allana wuu ka qaaday Kurbadii iyo culeyskii haystay.
𝐓𝐮𝐬𝐚𝐚𝐥𝐞: 𝐍𝐚𝐛𝐢 𝐘𝐨𝐨𝐧𝐢𝐧 (𝐂𝐒) 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐢𝐛𝐢𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐲𝐢𝐫𝐢:
لَا إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنْتُ مِنَ الظالمين
Sidoo kale Nabi Zakaria (CS) markuu ilmo la’aan mudo ahaay, ilaahey ayuu u dan sheegtay oo kuyiri:
وَزَكَرِيَّآ إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥ رَبِّ لَا تَذَرۡنِي فَرۡدٗا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡوَٰرِثِينَ
Sidoo kale Nabi Yaqcquub markii uu wiilashiisa waayay oonuu walwalay wuxuu baryay Allah oo wuxuu yiri:
قَالَ إِنَّمَا أَشْكُو بَثِّي وَحُزْنِي إِلَى اللَّهِ وَأَعْلَمُ مِنَ اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ
Hadaba walaalayaal ducada waxay leedahay faaidooyin badan oo ilaahey Musiibada iyo Balaayooyinka ayuu nooga dhowraa.
𝐍𝐚𝐛𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐚 𝐒𝐂𝐖 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐲𝐢𝐫𝐢 𝐪𝐨𝐟 𝐦𝐮𝐬𝐥𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐞𝐲 𝐡𝐚𝐝𝐮𝐮 𝐛𝐚𝐫𝐲𝐨 𝐀𝐥𝐥𝐞 𝐬𝐚𝐝𝐚𝐱 𝐦𝐢𝐝𝐤𝐨𝐨𝐝 𝐚𝐲𝐮𝐮 𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐚: 𝐢𝐧𝐮𝐮 𝐝𝐮𝐜𝐚𝐝𝐢𝐢𝐬𝐢𝐢 𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐨 𝐨𝐨 𝐰𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐮𝐮 𝐝𝐚𝐥𝐛𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐥𝐚 𝐬𝐢𝐢𝐲𝐨, 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐨 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐢𝐲𝐚𝐚𝐦𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐮𝐮 𝐤𝐮 𝐡𝐞𝐥𝐢 𝐚𝐦𝐚 𝐢𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐱𝐢𝐣𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐛𝐚𝐥𝐚𝐚𝐲𝐨 𝐤𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐣𝐚𝐡𝐧𝐞𝐞𝐝
ما من مسلمٍ يدعو بدعوةٍ ليس فيها إثمٌ ، ولا قطيعةُ رَحِمٍ ؛ إلا أعطاه بها إحدى ثلاثَ : إما أن يُعجِّلَ له دعوتَه ، وإما أن يدَّخِرَها له في الآخرةِ ، وإما أن يَصرِف عنه من السُّوءِ مثلَها
Hadaba walaalayaal maadaama Tobankii danbe ee Ramadaan la galayo, Ducada aan badino, dadka ducadooda aan la soo celina waxaa kamid ah qofka Sooman sidaa daraadeed aan Alle bariga badsano oo ka faaideysano tobankaan danbe iyo dhamaan xiliyada Aqbalka ducada badna yahya Sida Maalinta Jimcaha, inta u dhaxeysa Aadaanka iyo aqimka salaada, Afurka agtiisa, Habeenkii xiliga danbe iyo dhamaan waqtiyada kale ee barakeysan.
Walaalayaal, 𝐌𝐚 𝐨𝐠𝐢𝐧 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐨𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐜𝐦𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐚𝐭𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐧 𝐛𝐞𝐫𝐢 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐞𝐲𝐧𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐥𝐚 𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐞 sidaa daraadeed aan laba laabno dadaalka iyo cibaadada tobankan danbe.
𝐍𝐚𝐛𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐚 𝐒𝐂𝐖 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐫𝐲𝐚 𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐞𝐲 𝐢𝐝𝐢𝐧𝐤𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐧𝐮𝐮 𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐚𝐲𝐨 𝐝𝐮𝐜𝐚𝐝𝐢𝐢𝐧𝐚 .
ادعوا الله وأنتم موقنون بالإجابة
Qofka oo maladiisa wanaajiya kuna kalsoonaada Allah waxay kamid tahay sifooyinka qofka muminka ah.
Nabigeena SCW waxaa laga wariyay inuu yiri Qadarka iyo waxa Qoran wax celin kara majiraan ilaa ducada, Cimrigana waxa kaliya oo dheereyn kara waa samafalka
لا يرد القضاء إلا الدعاء ولا يزيد في العمر إلا البر
𝐖𝐚𝐥𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐝𝐮𝐜𝐞𝐲𝐧𝐨, 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐧𝐚 𝐮 𝐝𝐮𝐜𝐞𝐲𝐧𝐨, 𝐰𝐚𝐥𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐮𝐬𝐥𝐢𝐦𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐅𝐚𝐥𝐚𝐬𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐮 𝐝𝐮𝐜𝐞𝐲𝐧𝐨 , aan uga faaideysano bishan iyo tobankan maalin ee nagu soo socota inaan Allah u bandhignao umuruheena Aduunyo iyo kuweena Aakhiro.
اللَّهُمَّ اقْسِمْ لَنَا مِنْ خَشْيَتِكَ مَا تَحُولُ بِهِ بَيْنَنَا وَبَيْنَ مَعَاصِيكَ، وَمِنْ طَاعَتِكَ مَا تُبَلِّغُنَا بِهِ جَنَّتَكَ، وَمِنَ الْيَقِينِ مَا تُهَوِّنُ بِهِ عَلَيْنَا مَصَائِبَ الدُّنْيَا، اللَّهُمَّ مَتِّعْنَا بِأَسْمَاعِنَا، وَأَبْصَارِنَا، وَقُوَّاتِنَا مَا أَحْيَيْتَنَا، وَاجْعَلْهُ الْوَارِثَ مِنَّا، وَاجْعَلْ ثَأْرَنَا عَلَى مَنْ ظَلَمَنَا، وَانْصُرْنَا عَلَى مَنْ عَادَانَا، وَلَا تَجْعَلْ مُصِيبَتَنَا فِي دِينِنَا، وَلَا تَجْعَلِ الدُّنْيَا أَكْبَرَ هَمِّنَا، وَلَا مَبْلَغَ عِلْمِنَا، وَلَا تُسَلِّطْ عَلَيْنَا مَنْ لَا يَرْحَمُنَا
اللهم انصر الإسلام والمسلمين
اللهم انصر اخواننا في فلسطين
اللهم صلي على محمد وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، وبارك على محمد وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد.
Waxaa la Qoray
March 2024
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Baraarujin: Allaha nagu anfaco waanada oo na waafajiyo Xaqa meel kasta oo aan joogno. Aamiin.
