Daaweynta Xanuunada Lafaha

Dr.Sayid wuxuu la tacaalaa dhamaan xanuunada lafaha ha ahaadaan kuwa ilmuhu ku dhashaan ama kuwa qofka dib uga dhaca.

Xanuunada ugu badan waxaa ka mid ah

Caruurta:

Waxaa jira xanuuno badan oo ay caruurtu ku dhashaan sida qalooc cagaha ah (Caga gedis), Sinta oo kala baxsan, dhabarka ama xangulaha oo sidii la rabay u sameysmin; sidoo kale Caruurta waxaa ku badan dhaawacyada iyo jajabka kuwaas oo badankooda lagu xaliyo kab ama jeesto balse mararka qaar iyo meelaha qaar ay qaliin u baahdaan.

Dadka Waaweyn:

Xanuunada Kala goysyada sida qoorta, garbaha, xusulada, sinta, jilbaha, anqawga iyo dhamaan kala goysyada kale ee jirka.

Xanuunda Murqaha sida garabka, bowdada, kubka iyo dhamaan murqaha kale ee jirka

Xanuunada Dhabarka oo ah kuwa ugu badan oo ay dadka ka cabtaan

Xanuunada ka dhasha Cadaadis fuula Neerfaha sida kabaabyo lugaha ama gacmaha ah

Xanuunada Riixa ay Soomaalida u taqaano ama kuwa la xiriira.

Waa kuma Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Horseed

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.