Khudbada Jimcaha: Dilka Qof Muslim ah (16 Feb 2024)

Ilaahey wuxuu dhahay:

وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا
Walaalayaal Maalmahaan waxaa batay in si fudud la isku dilo, qoys qoys kale dilo, aano qabiil la isku dilo welibana si naxariis daro ah oo islaanimada ka fog cadaabna ah la isku dilo.
Ilaahey wuxuu leeyahay 𝐐𝐨𝐟𝐤𝐢𝐢 𝐝𝐢𝐥𝐚 𝐪𝐨𝐟 𝐦𝐮’𝐦𝐢𝐧 𝐬𝐢 𝐤𝐚𝐬 𝐚𝐡 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐦𝐮𝐭𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐉𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐦𝐨 taas uu ku waaraayo, ilaaheyna wuu u caroonaa Naxariista Allah na ma helayo waxaana la cadaabayaa Cadaab daran
Xadiith kusoo arooray Bukhaari iyo Muslim waxaa Nabiga SCW laga wariyey inuu yiri “𝐊𝐚 𝐟𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐇𝐚𝐥𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐦𝐨 ” markaasey Saxaabadii waxay dhaheen “Maxay ahaayeen Todobadaas Rasuulkii Allow?” Markaasbuu Nabiga SCW tiriyay Todobada sheey ee Xadiithka hoose ku xusan ayna ka mid tahay 𝐢𝐧 𝐐𝐨𝐟 𝐌𝐮𝐬𝐥𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐝𝐢𝐥𝐨.
‎اجتنبوا السبع الموبقات -يعني: المهلكات- قلنا: وما هن يا رسول الله؟ قال: الشرك بالله، والسحر، وقتل النفس التي حرم الله إلا بالحق، وأكل الربا، وأكل مال اليتيم، والتولي يوم الزحف، وقذف المحصنات الغافلات المؤمنات
Nabigeena SCW 𝐊𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝𝐢𝐢sii 𝐗𝐚𝐣𝐚𝐭𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐚𝐜 waxaa ka mid ahaa: I dhageysta dadyahow, ma ogi inaan sanadkan sanadkiisa kulmi doono weliba halkan; 𝐃𝐚𝐝𝐲𝐚𝐡𝐨𝐰 𝐃𝐡𝐢𝐢𝐠𝐢𝐢𝐧𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐤𝐢𝐢𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐡𝐚 𝐢𝐬 𝐝𝐢𝐥𝐢𝐧𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐚 𝐢𝐬 𝐝𝐡𝐢𝐜𝐢𝐧𝐚; 𝐝𝐡𝐢𝐢𝐠𝐢𝐢𝐧𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐤𝐢𝐢𝐧𝐮𝐧𝐚 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐮 𝐱𝐮𝐫𝐦𝐞𝐲𝐬𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚𝐧, 𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨𝐨𝐛𝐭𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐮 𝐱𝐮𝐫𝐦𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲. 𝐖𝐚𝐫 𝐦𝐚 𝐢𝐝𝐢𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲, 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐡𝐚𝐲𝐨𝐰 𝐌𝐚𝐫𝐪𝐚𝐚𝐭𝐢 𝐤𝐚 𝐍𝐨𝐪𝐨.
أيها الناس اسمعوا مني أبين لكم فإني لا أدري لعلى لا ألقاكم بعد عامي هذا في موقفي هذا.
أيها الناس إن دماءكم وأعراضكم حرام عليكم إلى أن تلقوا ربكم كحرمة يومكم هذا في شهركم هذا في بلدكم هذا – ألا هل بلغت اللهم فاشهد، فمن كانت عنده أمانة فليؤدها إلى من ائتمنه عليها.
Nabigeena SCW sidoo kale wuxuu sheegay in qofka muslim ah oo la dilo ay ka weyn tahay aduunyada dhan oo la gediyo.
Walaalayaal, Ilaah aan ka cabsano oo iska ilaalino dhiiga Muslimka iskana ilaalino inaan difaacno ama garab siino daalimiinta.
𝐐𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐪𝐨𝐟 𝐝𝐢𝐥𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐢𝐲𝐚𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐚𝐬𝐢𝐠𝐨𝐨 𝐪𝐨𝐨𝐫𝐭𝐚 𝐮𝐮 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐠𝐚𝐧 𝐤𝐢𝐢 𝐮𝐮 𝐝𝐢𝐥𝐚𝐲 markaasaa kii la dilay leeyahay “𝐈𝐥𝐚𝐚𝐡𝐚𝐲𝐨𝐰 𝐰𝐞𝐲𝐝𝐢𝐢 𝐪𝐨𝐟𝐤𝐚𝐚𝐧 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐢𝐠𝐮 𝐝𝐢𝐥𝐚𝐲 ”.
Bal qiyaas maalin maalkaagii, Qabiilkii, Qoraygii, Kibirkii aysan wax kuu tareyn aadna hor taagan tahay Ilaahey, dacwana lagaa yahay.
Ilaahayow waxaan ka magalnay Dhiig Muslim waxaana ku weydiisanay la kulankaaga maalinta Qiyaamaha adigoo raali naga ah.
Ilaahayow dulmiga, Fitnada iyo dilka Soomaaliya ka socda shartiisa na mooti, Ilaahow xaqa tusi dadkeena, ilaahayow Gafkeena iyo Geerideena ha kulmin.
Ilaahayow Hay’adaheena Cadaalada Cadliga tusi oo waafaji.
Aamiin
اللَّهُمَّ اقْسِمْ لَنَا مِنْ خَشْيَتِكَ مَا تَحُولُ بِهِ بَيْنَنَا وَبَيْنَ مَعَاصِيكَ، وَمِنْ طَاعَتِكَ مَا تُبَلِّغُنَا بِهِ جَنَّتَكَ، وَمِنَ الْيَقِينِ مَا تُهَوِّنُ بِهِ عَلَيْنَا مَصَائِبَ الدُّنْيَا، اللَّهُمَّ مَتِّعْنَا بِأَسْمَاعِنَا، وَأَبْصَارِنَا، وَقُوَّاتِنَا مَا أَحْيَيْتَنَا، وَاجْعَلْهُ الْوَارِثَ مِنَّا، وَاجْعَلْ ثَأْرَنَا عَلَى مَنْ ظَلَمَنَا، وَانْصُرْنَا عَلَى مَنْ عَادَانَا، وَلَا تَجْعَلْ مُصِيبَتَنَا فِي دِينِنَا، وَلَا تَجْعَلِ الدُّنْيَا أَكْبَرَ هَمِّنَا، وَلَا مَبْلَغَ عِلْمِنَا، وَلَا تُسَلِّطْ عَلَيْنَا مَنْ لَا يَرْحَمُنَا
اللهم انصر الإسلام والمسلمين
اللهم انصر اخواننا في فلسطين
اللهم صلي على محمد وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، وبارك على محمد وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد.

Waxaa la Qoray

February 2024

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Baraarujin: Allaha nagu anfaco waanada oo na waafajiyo Xaqa meel kasta oo aan joogno. Aamiin.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.