Ma la kabaa mise waa Qaliin
Su’aalaha ugu badan oo bukaanada soo jaba ay dhakhtarka lafaha waydiiyaan waxaa kamid ah “Jabkan mala kabaa mise waa qaliin”
Lafta marka ay jabto waxaa lagu xaliyaa labo midkood oo kala ah kab ama Qaliin midka dhakhtarka go’aansadana waxay ku xiran tahay waxyaabo dhowr ah sida
1. Da’da bukaanka: Caruurta yaryar gaar ahaan kuwa da’doodu ka yar tahay 5sano jabkooda badanaa waxaa lagu xaliyaa Kab sida jeesto, shakaal, iwm. Halka dadka waaweyn kabkooda uu ku xiran yahay waxyaabo badan.
2. Lafta jabtay ma isku aadan tahay mise waa is dhaaftay: waxyaabah in la kabo ama la qalo lagu slaeeyo waxaa ugu muhiimsan is dhaafitaanka lafta; bukaanka ha ahaado caruur ama qof weyn hadii jabku uusan is dhaafsaneen kab waa lagu xalin karaa waxaase jira meelo qaar oo qaliinka la doorbido si loo yareeyo dhibaatooyinka imaan kara.
3. Xaalada Caafimaad ee bukaanka: xitaa haidi jabku u baahan yahay qaliin, waxaa muhiim ah bukaanka ma ka bixi karaa qaliinka caafimaad ahaan. Dadka waayeelka ah ee qabo wadno xanuun, sokorow, kiliya xanuun iyo xanuunada la midka ah ee suuxdinta ka bixi karin, Jabkooda kab ayaa lagu xaliyaa.
Badanaa dhakhtarku qaliin wuxuu ku taliyaa marka ay jiraan xaaladaha soo socda
Ciwaanada la xiriira
Fadlan booqo Qaybaha kale ee Su’aalaha ugu badan ee bukaanadu is weydiiyaan.
Dr.Sayid wuxuu qoraa ama soo aruuriyaa Maqaalo ku saabsan Xanuunada Lafaha iyo kuwa kale ee ku badan Somalia kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka laga update gareeyo Approach-ka loo maro daaweynta Xanuunadan. Fadlan Aqriso in ka badan 100 maqaal oo ku saabsan Wacyigelin ama Booqo Qaybta Videos-ka si aad u daawato Wacyigelin kala duwan.
Waxaa la Qoray
November 2022
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
