Shilalka & Dhaawacyada (Xog guud)
Shilalka sida kufitaan, jug, shil gaari, iwm waxaa ka dhasha dhaawac ama jab gaara qayb ka mid ah jirka. Jab waxaa la dhahaa laftii xiriirsaneed oo kala jabta; jabku wuxu noqon karaa mid lafta ay maqaarka banaanka uga soo baxdo iyo mid ay gudah ku jirto; wuxuu sidoo kale noqon karaa mid ay laafihii kala jabay isku aadan yihiin ama mid ay is dhaafsan yihiin.
Jabka iyo dhaawac yadu waxay u badan yihiin adimaha sida gacmaha iyo lugaha sidoo kale jabku wuxuu kudhici karaa miskaha / sinta, dhabarka, feeraha iyo madaxa.
Jab waxaa ugu badan ee sababa waa jug lafta ku dhacda, lafta oo awoodeeda daciifta kadibna si fudud ku jabta, buro lafta kasoo baxda kadibna jabisa;
Calaamadaha lagu garto meesha jaban waxaa ka mid ah Xanuun, barar, qofka oo awoodi waayo inuu isticmaalo iyo qalooc. Qasab maahan markasta in dhamaan calaamadaha kore lagu arko meesha jabta.
Raajo ayaa ugu horeeysa waxa lagu ogaado marka laf la xaqiijinayo inay jabtay balse waxaa jira baaritaano kale sida CT scan, MRI oo laga yaabo meelaha iyo mararka qaar in loo baahdo.
Jabka Lafaha waxaa lagu daaweeyaa Kab ama Qaliin. Jabka Caruurta badanaa waxaa ku filan kabitaan sida jeesto, shakaal, iwm; mudada kabka qofka ku xirnaanayo badanaa waa 4 ilaa 8 usbuu, in la dheereeyo mudada ama la soo gaabiyana waxaya ku xiran tahay da’da bukaanka, jabka noociisa iyo sida uu u reysto. Jabka dadka waaweyn waxaa lagu xalin karaa kab ama qaliin.
Badanaa qaliinka waxaa la sameeyaa hadii
1. Jabku uu yahay mid dhaawac leh ama lafta ay banaanka u soo baxday
2. Jabku dhaawac gaarsiiyay xidid ama neerfo
3. Jabku ka jiro meelo kala duwan
4. Jabku isku aadsami waayo markii la isku dayo in kab lagu xaliyo
5. Jab iyo kala bax ka jiraan kala goys
6. Jab reysan waayay
7. Jab sababay qalooc lafta ku yimid
8. Bukaanku door bido in la qalo si uu dhaqso u bogsoodo
Qaliinka Jabka wuxuu noqon karaa in bir iyo boolal gudaha la geliyo (Internal fixation) ama in biro banaanka lag geliyo lafta (External fixation).
Dhibaatooyinka ka dhasha Jabka ama daaweyntiisa sida qaliinka ama kabitaanka waxaa ka mid ah:
1. Infekshan (Infection)
2. Kala goyska oo adkaada (Joint stiffness)
3. Neerfaha ama Xididka oo dhaawac gaaro (Neurovascular injury)
4. Murqaha oo yaraada (Muscle Atrophy)
5. Lafta oo dhimata (Avascular necrosis)
Fadlan booqo Qaybaha kale ee Jabka ama Su’aalaha ugu badan oo ay Bukaanadu is weydiiyaan si aad uga bogato Xogo Caafimaad oo wax badan kuu ifiya.
Fadlan noogu reeb Fikirkaaga halkan oo (Ku dhufo halkan) hadii aad ku Qanac santahay Adeegaa, Wacyigelinta & Daaweynta Dr.Sayid.
Waxaa la Qoray
August 2022
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Horseed
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
