Lafta Qaybta kore ee Gacanta (Humerus)
Laftan waa mida u dhaxeysa garabka iyo xusulka; waxay ka jabtaa meelo badan sida qoorta oo ah meesha u dhaw kala goyska garabka, qaybta dhaxe ee lafta iyo qaybta ka koreysa xusulka. Dhamaan meelahaas waxaa jabiya shil marka laga reebo dadka waaweyn oo ay lafahoodu jilceen (Osteoporosis) ama dadka ay buro uga taal lafta.
Calaamadaha ugu badan lagu garto jabka laftan waa xanuun, barar, qofkii oo aan dhaqaajin karin meesha; waxaa jabka lagu xaqiijiyaa raajo. Xalka jabkan wuxuu ku xiran yahay da’da bukaanka iyo nuuca jabka, qaliinkana waxaa la sameeyaa hadii ay jiraan xaaladihii aan kusoo sheegnay Qaybta Xogta Guud.
Waxaa xusid mudan in Jabka laftan gaar ahaan qaybta dhexe ee kala barka uu dhaawac gaarsiin karo neerfo mara meeshaas oo ku shaqo leh gacanta. Hadii bukaanka isku darsado jab qaybtan ah iyo awoodii gacanta ama dareenkii oo is bedelay waa inuu dhakhtar si deg deg ah ula tashtaa si go’aan looga qaato in la qalayo iyo in kale.
Fadlan halkan ka aqriso Dhaawacyada Neerfaha & Jababka ugu badan ee lala xiriiriyo.
Fadlan booqo Qaybaha kale ee Jabka si aad uga bogato Wacyigelin iyo Warbixino kale oo wax badan ku ifin doona.
Waa maxay Osteoporosis, Xanuunka Lafuhu ay jilcayaan; waa maxayse Jab ka imaada lafta oo jilicda (Osteoporotic fracture)
Fadlan booqo Qaybaha kale ee Jabka si aad uga bogato Wacyigelin iyo Warbixino kale oo wax badan ku ifin doona.
Waxaa la Qoray
August 2022
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Horseed
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
