Lafaha oo Jilca (Osteoporosis)
Ma ogtahay in Lafaha bani aadamka marka qofku uu yar yahay ay jilcan (Elastic) yihiin iyadoo marba marka uusii weynaanayo ay sii adkaanayaan hadana marka uu qofku duqoobo ama ay dumarka dhiiga caadada ka go’o ay awooda lafuhu soo yaraanayaan oo ay jilcayaan una nugul yihiin inay si fudud ku jabaan.
Lafaha marka ay jilcaan (Osteoporosis) si fudud ay ku jabi karaan iyadoo meelaha ugu badan oo ay ka jabaana ay ka mid yihiin Cumaamcumta (Wrist), Anqawga, Kala goyska sinta iyo Laf dhabarta.
Badanaa dumarka dhiiga caadada ka tagay iyo raga da’doodu ka weyntahay 55 sano waxay u nugul yihiin awooda lafahooda oo jilicda iyo lafaha oo si fudud ku jaba sidaa daraadeed dadkan waxay u baahan yiiin inay la socdaan caafimaadka lafahooda bilaabaana daawooyinka xoojinaya lafaha kana hortagaya inay si fudud u jabaan.
Sawir muujinaya farqiga u dhaxeeya lafaha caadiga ee caafimaad qaba iyo kuwa jilcay ee u nugul in ay si fudud ku jabaan.
Fiiri Sawirka koowaa sida qofku u taagan yahay lafahiisuna u balaaran yihiin (laf dhabarta) iyo farqiga u dhaxeeya sawirka labaad ee uu qofkii horay u godmay sida qof tuur leh lafahiisana u dhuubmeen.
Calaamadaha lagu garto qofka weyn ama waayeelka in lafahiiisa jilceen waxaa ka mid ah in qofku tuur yeesho taasoo in badan oo dadka waayeelka lagu arko.
Fadlan Daawo Video-ga hoose oo uu Dr.Sayid uga hadlayo Xanuunkan oo faahfaahsan.
Dadka da’dani sidoo kale waxaa ku badan xanuunada kale sida dhiig karka, sokorowga, Kolestaroolka, wareer, araga oo daciifa, daawooyin kala duwan oo ay xanuunada kore u qaataan kuwaas oo dhamaan u horseeda qofka inuu baalansiga lumiyo kadibna si fudud u kufo ama u dhaco kadibna si fudud ku jabo.
Fadlan hadii aad kujirtid dadka da’dan ah ama ehelkaaga ku jiraan la tasho dhakhtar si loola socdo caafimaadkooda loogana hortago dhibaatooyin sida inay jabaan kadibna dhibaatooyin kale ka sii qaadaan jabka sida inay sariir ku aruuraan kadibna u dhintaan dhibaatooyin sida xinjirow dhiiga, infekshan, boog sariireed iwm.
Qaybaha la xiriira: Waxaa Maqaalka hoose ka aqrisan kartaa kana daawan kartaa Ciwaan la xiriira
Waxaa dhawaanahan bulshada Soomaaliyeed kusoo batay isticmaalka qaldan ee daawooyin loo yaqaano Steroids (bulshada u taqaan Abuu bariis iyo magacyo lamid ah) hadaba dhibaatooyin badan ayay lafaha, Murqaha iyo xubnaha kala duwan daawooyinkan u geystaan.
Fadlan halkan ka daawo
Waxaa la Qoray
February 2023
Updated 1 March 2026
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha Waxaad ka heli kartaa halkan oo aad balan ka qabsan karto.
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah.
