Caga hurka maxaa keena
Waxa ugu badan ee sababa ciribta ama cagta oo qofka xanuunta waa Plantar Fascitis oo ah caabuq ku dhaca seedkii lafta ciribta iyo faraha u dhaxeeyay. Xanuunka waa mid ka mid ah xanuunada ugu badan oo ay bukaanada ugu tagaan Dhakhaatiirta Lafaha.
Xanuunkan wuxuu ku badan yahay dadka da’ dhexaadka iyo dadka waaweyn gaar ahaan dadka socodka badan, kuwa orda iyo kuwa kabo fidsan qaata.
Calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah xanuun cagta qaybteeda dhexe ama meesha ay iska galaan cagta iyo lafta ciribta, xanuunkana wuxuu daran yahay subaxa hore qofka marka uu soo toosa iyadoo bukaanada qaar ay cagta dhulka dhigi karin xanuun daraadiis. Xanuu ka wuu sii yaraadaa marka qofka uu sosocdo.
Dhakhtarku wuxuu xaqiijiyaa in cada ay tahay Plantar Fascitis iyo in ay wehliso kuus kasoo baxa lafta ciribta kaas oo badanaa lasocda laguna ogaado raajo bukaanka la saaro.
Waxyaabaha xanuunka yareeyo waxaa kamid ah:
- Jimcis lagu kala fidinaayo seedka (Daawo Video-ga)
- Cagta oo la nasiyo
- Kabo jilcan oo taako leh la qaato
- Xanuun baabi’iye fudud
Bukaanada badan kooda intaas ayay ku nafisaan balse hadii qofka reysan waayo, Dhakhtarku wuxuu samayn karaa in cirbad xanuun baabi’iye ah lagu duro seedka ama in xitaa qaliin loo sameeyo sii kuus hadii uu ku samaysmay loo jaro.
Sidoo kale Fadlan Aqri Ciwaankan Caga Xanuun oo sharxaya xog dheeri ah.
Ma leedahay calaamadahan, ku booqo Dr.Sayid Isbitaalka Jaamacada Jazeera maanta oo hel la talin iyo daaweyn ku qancisa.
Fadlan booqo Qaybaha kale ee Su’aalaha ugu badan ee bukaanadu is weydiiyaan.
Dr.Sayid wuxuu qoraa ama soo aruuriyaa Maqaalo ku saabsan Xanuunada Lafaha iyo kuwa kale ee ku badan Somalia kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka laga update gareeyo Approach-ka loo maro daaweynta Xanuunadan. Fadlan Aqriso in ka badan 100 maqaal oo ku saabsan Wacyigelin ama Booqo Qaybta Videos-ka si aad u daawato Wacyigelin kala duwan.
Waxaa la Qoray
December 2022
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafah ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
