Caga Xanuun

Ma isku aragtay ama ma taqaan qof ka sheegta Xanuun Cagaha ah?

Xanuunka ugu badan ee sababa in qofka Cagaha xanuunaan (sole of the foot) waa Plantar Fasciitis, kaas oo micnihiisu yahay caabuq ku dhaca seedaha ku jira cagta. (fiiri sawirka koowaad iyo labaad)

Yuu ku badan yahay maxaase horseeda Xanuunka?
Xanuunka raga iyo dumarkaba wuu ku dhacaa wuxuuse ku badan yahay dumarka. Socod badan oo lug ah, dadka orda, dadka cayilan iyo dadka murqaha lugahooda ay tight yihiin waa waxyaabaha horseeda xanuunkan.

Maxaa lagu gartaa oo calaamado ah:
Xanuun aad cagta ka dareento kaas oo dhexda ama ciribta dhankeeda noqon kara. Xanuunka oo daran aroorta hore marka qofka socodka uu bilaabo ama marka uu inta uu nasto hadana socod bilaabo; xanuunka wuu yaraadaa qofka markuu wax yar socdo laakiin hadana wuu ka daraa marka qofka uu socod dheer galo.

Waa Maxay Daawada Xanuunkan:
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xanuunka cagaha lagula tacaalo waxaa ka mid ah:

  1. Qofka oo ka fogaada waxyaabaha xanuunka keena sida socod dheer, orod, iwm.
  2. Jimicsi cagta la jilcinayo (Stretch exercise)..Fiiri sawirka sadaxaad.
  3. Baraf ama wax qabow in cagta la saar saaro (Fiiri sawirka afaraad).
  4. Xanuun baabi’iye
  5. In qofka uu kabaha gashto wax taako leh (orthotics)
  6. Hadii qofka ay wax yaabahaas wax u tari waayaan, waxaa laga yaabaa in dakhtarku u sameeyo daaweyn dheeri ah sida in cirbad xanuun baabi’iye meesha lagu daro, iwm.

F.G: waxaa jira xanuuno kale oo ku dhaca cagaha ee fadlan mar kasta la tasho dhakhtarka lafaha.

Ma leedahay calaamadahan, ku booqo Dr.Sayid Isbitaalka Jaamacada Jazeera maanta oo hel talin iyo daaweyn ku qancisa.

Dr.Sayid wuxuu qoraa ama soo aruuriyaa Maqaalo ku saabsan Xanuunada Lafaha iyo kuwa kale ee ku badan Somalia kuwaas oo ujeedku yahay in Bukaanada Soomaaliyeed iyo ehel kooda fahmaan xanuunka; 

Fadlan Aqriso in ka badan 100 maqaal oo ku saabsan Wacyigelin.

Waxaa la Qoray

October 2022

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.