Dhaawacyada Neerfaha & Jabka Lafaha

Neerfo (Nerve) waa waxa waraabiya Murqaha iyo Xubnaha uur kujirta si ay u dhaqaaqaan ama u shaqeeyaan sidoo kalana dareen siiya Maqaarka & jirka qaybihiisa kala duwan

Neerfayaashu waxay fariin dareen side ah ka qaadaan xubnaha waxayna kuwo jawaab celin ah ama amarkii lagu dareemi lahaa ama lagu dhaqaajin lahaa xubinta ka keenaan Maskaxda iyo Xangulaha.

Neerfayaashu waxay xiriir dhaw la leeyihiin Lafaha iyo Kala goysyada waxayna halis ugu jiraan inay dhaawac maan hadii laftii jabtay ama kala goyskii kala baxay cadaadis saaro neerfaha.

© NerveClinic.co.uk

Dhaawaca Neerfaha gaara waxaa loo qaybiyaa 3 nuuc oo kala ah: in neerfihii uu kala jiidmay laakiin uusan go’in, in qayb kamid ah neerfaha go’day iyo in neerfaha dhan kala go’ay; Sida magac yada sadaxda qayb kala sheegayaan way kala daran yihiin sadaxda dhaawac, reysashadoodana way kala dhaqsi badan tahay. Tusaale waxaa ugu reysasho dhaw nuuca koowaad waxaana ugu daran ama in la isku kabo u baahan nuuca sadaxaad.

Jababka iyo Kala baxa kala goysyada kala duwan waxay dhaawac gaarsiin karaan neerfaha ama xidida ka ag dhaw kadibna waxaa ka dhalaneysa in tabar daro ama is bedel dareenka ah ku imaado meesha uu waraabinaaye neerfaha la cadaadiyay ama dhibku gaaray; Shaxda hoose waxay soo koobeysaa Neerfayaasha ugu badan ee dhaawacma, Jabka ama kala baxa sababa dhaawaca iyo Calaamadaha lagu garto. waxaa xusid mudan in eray bixinta qaar aysan noo suuro gelin in dhamaan magacyada aan Af-Soomaali ku sheegno.

Xalka iyo Daaweynta Dhaawaca Neerfaha wuxuu ku xiran yahay waxyaabo badan sida nuuca jabka ama kala baxa, da’da bukaanka, Calaamadaha la xiriira dhaawaca neerfaha iyo xaalado kale sida aan kusoo xusnay Qaybta Xogta Guud sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in si deg-deg ah bukaanada nuucan ah Isbitaalka loo geeyo si waqti hore wax loogu qabto si looga hortago in neerfaha dhaawac daran gaaro.

Fadlan booqo Qaybaha kale ee Su’aalaha ugu badan ee bukaanadu is weydiiyaan ama Qaybaha kale ee Jabka si aad uga bogato Wacyigelin iyo Warbixino kale oo wax badan ku ifin doona.

Waxaa la Qoray

July 2023

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Horseed

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.