Waajibaadka & Balan qaadka laga rabo Dhakhtarka

Waajibaadka & Balan qaadyadan ayaa ah kuwo laga rabo Xirfadle Caafimaad sii loo ilaaliyo Xurmada iyo Xaqa Bani’aadamka waana kuwo ay soo dejiyeen World Medical Association.

1. Waxaan Balan qaadayaa inaan Nafsadeyda u hibeeyo waxtarka Bani’aadamka

2. Waxaan wax kasta ka hormarinayaa Badbaadinta iyo Badqabka Bukaanka

3. Waxaan ilaalinayaa Xoriyada iyo Sharafta Bukaanka

4. Waxaan Dhowrayaa Sharafta iyo Karaamada Bani’aadamka (sida ugu sareeysa)

5. Ma ogolaanayo in Qabiil, Siyaadad, Faqiir ama Taajirnimo, Naafo, duq ama dhalinyaranimo, iwm ay saameeyaan Xirfadeyda Dhakhtar nimo

6. Waxaan ilaalinayaa Sirta bukaanka xitaa haduu dhinto

7. Waxaan Mihnadeyda ugu  shaqeysanayaa si sharaf iyo damiirka ogol yahay anigoo dhowraya Anshaxa wanaagsan ee Caafimaadka

8. Waxaan dhowrayaa Sharafka iyo karaamada Xirfada Caafimaadka

9. Waxaan siinayaa Macalimiinteyda, Asxaabteyda iyo Ardadeyda Xushmad iyo Qadarin

10. Aqoonteyda ayaan la wadaagayaa inta kale si daryeelka bukaanka iyo Caafimaadkaba kor loogu qaado

11. Caafimaad keyga iyo Nafsadeyda ayaan ka war qabayaa si aan si fiican dadka wax ugu qabto

12. Ma u isticmaali doono Xirfadeyda inaan   Ku xadugudbo xuquuqda dadka kale xitaa hadii aan khatar u galayo

13. Waxaan Balan qaadayaa Dhamaan balan qaadyada kore si dhab ah oo daacadnimo ku jirto

Gabagabdii, waxaa sidoo kale xusid mudan in Bahda Caafimaadka oo ay Dhakhaatiirta ugu horeeyaan la dhaariyo marka ay qalin jebinayaan; Dhaartaas oo Ujeedkoodu yahay in loo hogaansamo Anshaxa Caafimaadka oo aan “Bukaanka ugu adeegno si daacadnimo iyo cadaalad kujirto, wax tar uleh, dhib aan u geysaneyn asigana raali ka yahay“. 

Halkan ka aqriso Maqaalka Dhaarta Dhakhaatiirta & Madaxda maxaa ka dhaxeeya?

Ciwaano la xiriira

Bahda caafimaadka sida Dhakhaatiirta, Umulisooyinka, Sheybaariistayaasha iyo qaar badanoo kale waxaa caado ah in la kala qaato Commission kaasoo ku imaada Siyaabo kala duwan

Fadlan sii Aqri

Qaybtan waxaad ka heleysaa Dhamaan Articles ka Guud iyo kuwa Bahda Caafimaadka la xiriira ee uu qoray ama soo aruuriyay Dr.Sayid

Fadlan sii Aqri

Waxaa la Qoray

October 2023

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Digniin: Xogta kore waa Baraarujin loogu talo galay Bahda Caafimaadka. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.