Dhaarinta Dhakhaatiirta & Madaxda
Farqi ma u dhaxeeyaa Dhaarta Dhakhaatiirta marka ay qalin jebinayaan iyo mida Madexweynaha, Xildhibaanada iyo Madxda dowlada?
Soomaaliya iyo Caalamkaba Jaamacadaha qaar ayaa Dhakhaatiirta markey ka qalin jebinayaan Kuliyada Caafimaadka lagu dhaariyaa Kitaabka Quraanka Kariimka iyagoo gacanta Saaraya ama gacanta soo taagaya oo niyeysanaya kadibna dhahaya “Waxaan ku dhaaranayaa Magaca Allah inaan si daacad ah ugu Adeego Bukaanka” dhanka kale Xildhibaanada, Wasiirada iyo Madaxweynaha iyo madaxda hay’adaha dowlada ayaa sidaan loo dhaariyaa iyagoo gacanta saaraya Kitaabka Quraanka “Waxaan ku dhaaranayaa Magaca Ilaaheey inaan Xilkeyga u guto si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka, dadka iyo diinta dhowrana dastuurka Qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala”.
Hadaba labadan dhaar waxay ka siman yihiin Sadax sheey oo Aasaasi ah:
1. In Magaca iyo Kitaabka Ilaahey lagu dhaariyay labada qolo (Dhakhaatiirta iyo Madaxda dalka)
2. In lagu dhaariyay inay si daacadnimo ah danta dadkana ay ku jirto u gutaan Waajibaadkooda
3. In meel Fagaare ah Umadana Marqaati ka wada tahay lagu dhaariyo
Dhanka kale Dhaarta Dhakhaatiirta ayaa ku saleysan Tiirarka Anshaxa Caafimaadka ee ah: Beneficence, Maleficence, Autonomy iyo Justice oo micnaheedu yahay in wax wanaagsan oo dhib geysaneyn, bukaanku asiga xor u yahay si cadaalad iyo sinaan ahna ku saleysan loogu qabto bukaanka.
Is dhaarintan ayaa ujeedkeedu yahay ilaailinta Xaqa iyo Xurmada qofka bani’aadamka taas oo diinteena Islaamka na fareyso inaan ilaalino amaanada nala raaciyay ama aan balan qaadnay
وَالَّذِينَ هُمْ لِأَمَانَاتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَاعُونَ Sidoo kale aayad kale wuxuu Allah dhahay واحفظوا أيمانكم
Marka laga hadlaayo Anshaxa Caafimaadka iyo qofka Muslimka ah waxaa aasaas u ah ayaa la dhahaa “Morality” oo ah in qoflku leeyahay dhaqan wanaagsan uuna kala saari karo waxa saxa ah iyo waxa qaldan sida uu Ilaahey ku leeyahay aayadan:
وَنَفْسٍ وَمَا سَوَّاهَا *فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَاهَا
Cilmiga Caafimaadka iyo ku shaqeyntiisa waa shaqo Sharaf iyo Maamuus leh maadaama ay tahay shaqo la xiriirta nolosha iyo badbaadinta dadka sida uu ilaaley leeyahay
مِنْ أَجْلِ ذَلِكَ كَتَبْنَا عَلَى بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنَّهُ مَنْ قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا
Hadaba Ma ilaalinaa Dhaarta? Waxyaabaha qaar ee wadanka ka jira lagana yaabo inaad sameyso ma baal marsan yihiin dhaartii aad dhaaratay?
Waxaan shaki ku jirin Soomaaliyana ku badan dhaqamo ay asal u yihiin “dano dhaqaale” kuwaas oo bukaanka lagu saarayo culeys dhaqaale sida in baaritaano uusan u baahneyn loo diro si lacagta uu soo saaray dhakharka u badato kadibna uu u helo commission badan, ama in xarun kale dhakhtarku baaritaano u diro xaruntaasna ay bukaanka ku qaaliyeyso si ay commission uga siiso bukaanka dhakhtarka soo diray.
Labadan xaaladoodba waa tusaale nool oo maalin kasta bahda caafimaadka sameyso labaduna waa bukaankii oo loo tashtay lacag iyo culeys uusan awoodin ama loo baahneyna la dul saaray taas oo Anshax ahaan iyo diin ahaanba aan sax ahayn.
Dhanka kale Madaxda waxaan xan ahaan uga maqlanaa in qofka xilka haayo (haduusan ilaah ka cabsaneyn) oo shuruud iyo interest gaar ah ku xiro markii loo keeno mashruuc umadeed sida inuu dhaho intaan ii shaqaaleysii, percentage intaas la eg account keyga halagu shubo iyo siyaabo kaloo badan oo xaaraan cad ah. Dhaqanaaksna waa mid dhaartii danta dalka, dadka iyo diinta kasoo horjeeda.
Hadaba Sidee dhaarta lagu ilaalin karnaa?
In si daacadnimo iyo Alle ka cabsi ku jirto loogu adeego umada oo la iska ilaaliyo eex, faquuq, musuq maasuq, commission, interest gaar ah, Xatooyo xoolo umadeed iyo wax kasto oo aan danta dadka ku jirin.
Waa Maxay Xukunka qofka Jabiya Xukunka Dhaarta? Aan xooga saaro mida Dhakhaatiirta iyo bahda Caafimaadka.
Waxay Culimada Muslimiinta qabaan in dhakhtarka la dhaariyay ay waajib ku tahay ilaalinta wixii uu ku dhaartay hadii uu fulin waayo mid kamid ahna laga rabo “كفارة اليمين” taas oona waajib ku noqoneysa mar kasta oo uu jebiyo dhaarta sida uu qabo Sheikh Hassan Mamoun oo ahaa Mufti Masri ah soona noqday Sheikhul Azhar iyo Muftiga ugu weyn ee Masar.
Sidoo kale waxaa diinteenu adkeysay in la iska ilaaliyo Xuquuqda dadka waxaana waajib ah qof kasta oo ku dhacay xaq qof kale sida xoolo iyo wax lamid ah inuu u celiyo qofkii lahaa.
Gabagabdii, waxaan Bahda Caafimaadka oo ay Dhakhaatiirta ugu horeeyaan iyo Nafteydaba kula dardaarmaa inaan ilaalino Balan qaadkii aan sameynay iyo dhaartii aan dhaaranay iyo inaan u hogaansano Anshaxa Caafimaadka oo aan “Bukaanka ugu adeegno si daacadnimo iyo cadaalad kujirto, wax tar uleh, dhib aan u geysaneyn asigana raali ka yahay“.
Waxaa la Qoray
October 2023
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Digniin: Xogta kore waa Baraarujin loogu talo galay Bahda Caafimaadka. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
