Jabka Jilibka (Knee Fractures)

Jajabka ku dhaca kala goyska Jilibka waa magac loo isticmaalo Dhamaan Jajabyada ku dhaca lafaha sameeya kala goyska jilibka sida lafta Kuraan kurta (Patella), Qaybta hoose ee Lafta bowdada (Distal Femur) iyo Qaybta kore ee Lafta shashada (Proximal Tibia).

Dhamaan Jabka ku dhaca Jilibka waxaa keena Jug xoog leh marka laga reebo Jabka Kuraan kurta taasoo si fudud qofka uga jibka karo. Jug xoog leh waa Shil gaari, meel sare oo laga soo dhaco iyo xitaa wax toos ugu dhaca oo xoogan..

Badanaa Jabbakan waxay leeyihiin Calaamado ay ka mid yihiin: Xanuun daran, barar iyo qofkii oo aan lugta dhulka dhigi karin ama ku socon karin; Waxaana jabka lagu xaqiijiyaa Raajo iyadoo mararka qaarna CT Scan loo sii baahdo hadii jabku gaarsiisan yahay kala goyska si loo ogaado sinaanta inta dhibka kala goyska gaaray.

Daaweynta iyo Xalka Jababka Jilibka waxay ku xiran yihiin meesha jaban, da’da qofka, Lafaha jabay makala tagsan yihiin mise way isku aadan yihiin, rabitaanka bukaanka iyo sababo badan oo kale sida aan kusoo xusnay Qaybta Xogta Guud. Sidaa daraadeed Fadlan la tasho Dhakhtar Lafo hadii Jab nuucan ah aad la kulanto si xalka ku haboon lagaala taliyo.

Fadlan booqo Qaybaha kale ee Jabka si aad uga bogato Wacyigelin iyo Warbixino kale oo wax badan ku ifin doona.

Waxaa la Qoray

August 2022

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Horseed

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.