Jabka Lafdhabarka

Jabka Lafdhabarta (Vertebral Fractures) waa marka mid ama dhowr laf oo ka tirsan lafihii laf dhabarta ay jabaan.

Jabka Laf dhabarka waxaa sababi kara Jug ku dhacda dhabarka sida shil gaari, meel sare oo qofku kasoo dhaco, iwm. Sidoo kale waxaa badanaa dadka waaweyn sababa jabkooda jug fudud oo ku dhacda sida inay kufaan. Jabka nuuca dadka waaweyn wuxuu ku badan yahay dadka da’doodu ka weyn tahay 60 sano ama dumarka uu dhiiga caadada ka go’ay waxaana sababa lafta oo jilicda (Osteoporosis).

Nasiib daro wax calaamad gooni ah oo lagu garto lafta oo jilicda (Osteoporosis) ma jirto, Jabka Laf dhabarta ee aan jug weyn ka imaan balse ka dhasha lafihii oo jilcana waxaa marar badan la arkaa iyadoo aanba la ogeyn.

Waxaa suuro gal ah in dadka qaar ay yeeshaan dhabar xanuun kaas oo qofku uu dareemo marka ay jug ku dhacdo, marka uu fooraarsado, qufaco ama wax culus qaado. Dadka qaar waxaa lagu arkaa inay tuur yeeshaan oo dhabarkoodii horay u godmo ama dhirir kooda soo gaabto.

Hadii qofku isku arko calaamadahaas ama ku jiro da’da uu u nugul yahay jabkan waxaa fiican inuu la xiriiro dhakhtar si raajo iyo baaritaano kale oo la xiriira awooda lafaha (Dexa scan, Vitamin D iyo Calcium) looga baaro loona daweeyo.

Jabka Laf dhabarka ee ka dhasha lafta oo jilicda waxaa lagu xaliyaa nasasho iyo suun qofka dhabarka loogu xeraayo ama qaliin iyadoo hadba la fiirinayo lafta jabtay inta ay kala durugtay ama ay u dhaw dahay ama cadaadineyso neerfaha.

Fadlan booqo Qaybaha kale ee Jabka si aad uga bogato Wacyigelin iyo Warbixino kale oo wax badan ku ifin doona.

Dr.Sayid wuxuu qoraa ama soo aruuriyaa Maqaalo ku saabsan Xanuunada Lafaha iyo kuwa kale ee ku badan Somalia kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka laga update gareeyo Approach-ka loo maro daaweynta Xanuunadan. Fadlan Aqriso in ka badan 100 maqaal oo ku saabsan Wacyigelin.

Waxaa la Qoray

April 2023

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.