Lugta waa inta u dhaxeysa Jilibka iyo Anqawga waxaana ku jira laba lafood oo midi weyntahay (Tibia) gudaha iyo horayna soo jirta halka mida kalana yartahay ayna xigto qaybta banaanka ee lugta (Fibula).
Labadan lafood waxay ka mid yihiin kuwa ugu badan ee jaba iyadoo Shil baabuur, mooto iyo jug xoogan ay tahay waxa ugu badan ee jabiya. Sidoo kale lugta Jabkeedu wuxuu noqon karaa mid ay lafta banaanka u soo baxdo (Open fracture) iyo mid aysan usoo bixin (Closed fracture) kuwaas oo midka hore yahay mid Emergency ah una baahan in si deg deg loola tacaalo.
Xalka iyo Daaweynta Jabkan wuxuu ku xiran yahay nuuca jabka, da’da bukaanka iyo xaalado kale sida aan kusoo xusnay Qaybta Xogta Guud sidaa daraadeeda Fadlan tag Isbitaal oo la tasho Dhakhtar Lafo hadii aad la kulanto xaalad nuucan ah.
Fadlan booqo Qaybaha kale ee Jabkasi aad uga bogato Wacyigelin iyo Warbixino kale oo wax badan ku ifin doona.