Jabka Kalxanta (Clavicle)


Jab Kalxanta bidix   (Fiiri Falaarta)

Kalxanta (Clavicle) waa lafta ku taal labada dhinac ee hoose ee qoorta waana lafta ugu badan ee laga jabo. Badanaa waxaa jabiya qofka oo dhaca kadibna gacanta ku taagsaa, waxaa sidoo ke jabin kara jug toos ah oo ku dhacda ama shil gaari.

Calmaadaha lagu garto marka ay jabto waxaa ka mid ah Xanuun kalxanta ah, barar, kuus ama meesha oo soo buurata. Badanaa Jabka kalxanta qaliin uma baahna waxaana ku filan shakaal qofka loo xiro. Hadii bukaanku uu lee yahay mid kamid ah waxyaabaha qaliinka lama huraan ka dhiga ama dhakhtarku u arko inuu qaliin ku haboon yahay jabka waxaa la sameeyaa qaliin biro la gelinayo lafta.

Fadlan booqo Qaybaha kale ee Jabka si aad uga bogato Wacyigelin iyo Warbixino kale oo wax badan ku ifin doona.

Maxaa ka cusub Joornaalada ugu waaweyn Caafimaadka oo ay ka qoreen Jabka Kalxanta; Ma Qaliin baa mise Shakaal ayaa ku filan? Maxaase ka imaan kara Kab ama Qaliin Fadlan halkan ka Aqriso.

Waxaa la Qoray

August 2022

Updated July 2024

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Horseed

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.