Maxaa ka Cusub Journal of Orthopaedic Trauma (July 2024)
Bil walba waxaa Qaybtan ku falan qeynaa Articles-ka ugu waaweyn ee uu daabaco Journal of Orthopaedic Trauma (JOT), Articles-kaas oo ah kuwa cusub ama ugu xiisaha badan ama aan ugu yaraan is dhaho waxay muhiim u yihiin wadciga Soomaaliya ama region ka.
Bishaan July 2024, Journal ka wuxuu daabacay Articles kala duwan oo uu ugu xiiso badan yihiin Articles ka hadlaya Nonoperative vs Operative treatment for high energy midshaft clavicular fractures, Humeral shaft fractures (nonoperative treatment with brace vs splint, early vs delayed iyo articles kaloo badan.
Study ga Clavicle ka oo ahayd mid level 1 ah ayaa 412 bukaan oo 203 kamid ah plate and screw fixation loo sameeyay, 26 intramedullary fixation loo sameeyay iyo 183 nonoperative treatment loo sameeyay ayaa la isku bar bar dhigay. Ujeedka wuxuu ahaa in la ogaado DASH score, Nonunion rate ka iyo Reoperation rate ka in la ogaado yaa fiican yaase xun.
Gabagabadii, waxaa la ogaaday marka laga soo tago Nonunion rate ka (14.6%) oo ku badnaa Nonoperative group in inta kale uusan qaliinka wax uga fiicneyn bukaanada shakaal lagu kabo. tani waxay cadeyneysaa in Sababta kaliya ee loo qalo bukaanada ka jaba qaybta dhaxe ee Clavicle ka jabkooduna yahay mid kala tagsan 100% ay tahay in laga hortago non union maadaama hadii aan la qalin nonunion rate study-gan lagu ogaaday ay tahay 14.6%.
Waxaa halkan ka aqrisan kartaa dhamaan Articles ka uu daabacay journal-ka bishan July 2024
Waxaa sidoo kale halkan ka aqrisan kartaa Articles ka kale ee JOT daabacay bishii June 2024.
Waxaana Articles kaas ka mid ahaa Antibiotic Prophylaxis in Open Fractures, Tibial Plateau fractures iyo compartment syndrome iyo Fasciotomy closure, Nonoperative treatment of LC1 Pelvic fractures.
Maxaa ka cusub Joornaalada kale ee ugu waaweyn Orthopaedic-ga? Fadlan halkan ka Aqriso.
Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan guud laga siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan.
Waxaa la Qoray
3 July 2024
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Baraarujin: Xirfadle Caafimaad kasta waxaa lagama maarmaan ah inuu sameeyo Continuing Medical Education joogta ah si uu u update gareeyo aqoontiisa. Xogahan korana waxaa loogu tala galay inay kaa saacido kor u qaadista Aqoontaada.
