Maxaa ka Cusub Journalada Orthopaedic-ga

Bil walba waxaa Qaybtan ku falan qeyn doonaa Articles-ka ay daabacaan Joornaalada ugu waaweyn Orthopaedic-ga caalamka, Articles-kaas oo ah ugu waaweyn ama ugu xiisaha badan ama aan ugu yaraan is dhaho waxay muhiim u yihiin wadciga Soomaaliya ama region ka.

Maxaa Cusub

Waxaa sidoo kale isha ku hayn doonaa Joornaalada waaweyn sida NEJM, Lancet, JAMA, Injury iyo kuwo kaloo Orthopaedic ah sida Clinical Orthopaedics and Related Research, Journal of Arthroplasty, Journal of Pediatric Orthopaedics.

Dhamaan Joornaalada kore ayaa ah kuwa lagu daabaco Cilmi baarisyada ugu saameynta badan caalamka sidoo kalana qaarkood ay leeyihiin Ururada Orthopaedic ah.

Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan ama Booqo Qaybta Bukaanada oo ka aqriso in ka badan 100 Maqaal oo Wacyigelino isugu jiro qoraal iyo Muuqaal.

Waxaa la Qoray

April 2024

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Baraarujin: Xirfadle Caafimaad kasta waxaa lagama maarmaan ah inuu sameeyo Continuing Medical Education joogta ah si uu u update gareeyo aqoontiisa. Xogahan korana waxaa loogu tala galay inay kaa saacido kor u qaadista Aqoontaada.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.