Osteoporosis & The Orthopaedic Surgeon
Osteoporosis, Lafaha oo jilca waa Xanuun ku badan dumarka markuu dhiiga caadada ka go’o ama ka tago iyo raga da’doodu ka weyn tahay 65 sano. Xanuunkan ayaa inta badan bahda Caafimaadku mudnaan siinin iyadoo laga yaabo in hooyo ay isbitaal u tagto iyadoo ka jaban gacanta qaybteeda hoose kadibna la kabo ama la qalo hadana ay dhowr bilood ama sano ka dib ay mar kale ka jabto gacanta kale hadana la kabo ama la qalo kadibna ay mar sadaxaad, afaraad iyo shanaad ba ay si fudud ku jabto ilaa ay sinta ka jabto kadibna laga yaabo inay dhibaatooyin ka dhasha jabkaas ay u dhimato.
Hadaba Maxaa la gudboon Dhakhtarka marka uu la kulmo qof u yimid Jab ka dhashay lafta oo awoodeeda yaraatay (Osteoporotic fracture)?.
Article-ka hoose oo ay qoreen Ryan P. Farmer et al ayaa waxa uusoo koobayaa sida ugu fiican uu dhakhtarku wajahi karo Osteoporotic fractures. Authors ku waxay focus ka saareen Maxaa ugu yar oo dhakhtarka lafaha u sameyn karaa bukaanadaan oo la talin, baaritaan iyo daaweynba isugu jira.
Waxaa xusid mudan in waxyaabaha ugu badan ee lagu yareeyo jabka ka dhasha Osteoporosis ka ay ka mid tahay jimicsiga kaas oo cilmi baarisyo badan lagu ogaaday; Jimicsiga ama Dheeli tirka balance ga jirka wuxuu yareeyaa dhicitaanka; hadaba kula tali bukaanka Stregthening exercises si uu u yaraado dhicitaanka iyo halista osteoporotic fractures-ka.
Dr.Sayid wuxuu qoray maqaalo kale oo loogu tala galay bukaanka loogana hadlayo waa maxay Osteoporosis, sidoo kale wuxuu duubay Video wacyigelin ah oo ku socda bukaanada ee fadlan halkan ka Daawo Video-ga ama Aqriso maqaalka Osteoporosis-ka.
