Kuus meel iiga yaal caadi miyaa
Kuus meel ku yaal waa Buro. Buro micnaheedu ma ahan Kansar oo Burooyinku waxay isugu jiraan kuwo fudud (Benign tumors) iyo kuwo Kansar ah (Malignant tumors). Kuus ka ama Burada waxay kasoo bixi kartaa Maqaarka hoostiisa, dufanka, Muruqa ama Lafta. waxaana lagu kala gartaa meesha ay kasoo baxday waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin intee ku taal?, ma adag tahay mise?, ma dhaq dhaqaaqee mise? iyo kuwo kalaba.
Waxaa xusid mudan in kuus kasta ama buro kasta aysan Kansar ahayn balse kuus walba oo jirka kasoo baxa wuxuu u baahan yahay in dhakhtar la tuso, la baaro si loo xaqiijiyo nuuca uu yahay kadibna loola tacaalo.
Maqaalkan dheer ayuu Dr.Sayid ku sharxayaa Burooyinka kala duwan, Calaamadahooda iyo Daaweyntooda.
Hadii aad u baahan tahay in Kuuska lagaa baaro, La xiriir Xarunta Baarista Burooyinka & Dheecaanada ee Sagal oo ku taal Isgoyska Digfeer.
Waxaa sidoo kale booqan kartaa dhamaan Qaybaha kale ee Bukaanka ama Bahda Caafimaadka si aad uga bogato Wacyigelin iyo Warbixino kale oo wax badan ku ifin doona.
Fadlan booqo Qaybaha kale ee Su’aalaha ugu badan ee bukaanadu is weydiiyaan.
Dr.Sayid wuxuu qoraa ama soo aruuriyaa Maqaalo ku saabsan Xanuunada Lafaha iyo kuwa kale ee ku badan Somalia kuwaas oo ujeedku yahay in Bukaanada Soomaaliyeed iyo ehelkooda ku fahmaan xanuunkooda;
Fadlan Aqriso in ka badan 100 maqaal oo ku saabsan Wacyigelin ama Booqo Qaybta Videos-ka si aad u daawato Wacyigelin kala duwan.
