Burooyinka Lafaha
Burooyinka Lafaha waa kuus ku sameysma lafta ama hilibkii ka koreeyay taasoo ka dhashay koriin saaid ah oo aan caadi ahayn oo ay sameeyeen unugyadii lafta.
Sida qaybaha kale ee jirkaba, Burooyinka Lafaha ku dhaca waxay isugu jiraan laba nuuc: kuwo fudud (Benign tumors) iyo kuwo Kansar ah (Malignant tumors). Nasiib wanaag badanaa burooyinka Lafaha waa kuwo fudud balse buro kasta waxay u baahan tahay in xili hore la baaro si loo xaqiijiyo nuuca ay tahay.
Marka la fiiriyo Kansarada dhamaan, Burooyinka Kansarka Lafaha (Bone Sarcoma) waxay ka yihiin 0.5%. taasoo ka dhigeysa burooyinkan kuwo dhif ah.
Maxaa Calaamado ah oo lagu gartaa, yee u badan yihiin, Maxaase Xal u ah Burooyinkan?
Burooyinka waxaa loo qaybiyaa kuwo Lafaha toos uga soo baxa iyo kuwo meelo kale kasoo faafa; Burooyinka ugu badan ee Lafaha ku faafa waxay ku badan yihiin dadka waaweyn oo qaba kansaro, kuwa ugu badana waxaa ka mid ah: Kansarka Sanbabaha, Naasaha, Kiliyaha, Qanjiraya Thyroid-ka iyo Prostate-ka.
Calaamadaha: Burooyinka ha ahaadaan kuwo fudud ama kuwo Kansar ah waxay yeelan karaan Calaamado ay ka mid yihiin: Kuus, Xanuun, marar badan kuuska xanuun malahan, koriin kuuska ah, miisaanka qofka oo yaraada iyo calaamado kale oo ku xiran meesha ay burada ku taal iyo nuuca ay tahay.
Waxaa lagu kala saaraa: Burooyinka fudud iyo kuwa kansarka waxyaabo dhowr ah ayaa lagu kala saaraa sida inta ay la eg tahay weyninka, koriinka burada, bukaanka ma caatoobay oo ma yar yaraanayaa mise, Calaamado lagu arko raajada ama iskaanka; Mida ugu muhiimsan ee lagu ogaado burada inay tahay mid fudud ama mid Kansar ah waa in Cad laga qaado (Biopsy) kadibna sheybaarka lagu soo baaro.
Burooyinka toos ugu dhaca lafaha waxay isugu jiraan kuwo fudud (benign tumors) iyo kuwo Kansar ah (Bone Sarcoma). Burooyinka fudud da’ kala duwan ayay ku dhacaan, meelo kala duwan ayayna ku kala dhacaan, Calaamadaha lagu gartana waa calaamadaha guud ee burooyinka, Xalkooduna waa baxnaanin ama qaliin hadba inta ay la eg yihiin, meesha ay ku yaalaana ama dhibka ay bukaanka ku hayaan.
Burooyinka Kansarka kuwooda ugu badan waxaa kamid ah:
1. Osteosarcoma: Waa nuuca labaad ee ugu badan burooyinka Kansarka ee Lafaha ku dhaca. waxayna ku badan yihiin da’da ilmaha iyo Xiliga Qaan gaarka (10 jir ilaa 30 jir) iyo dadka waaweyn gaar ahaan 60 jirada;
Meelaha ugu badan ay kaoso baxdo Buradaan waxaa ka mid ah Jilibka sida qaybta hoose ee lafta bowdada ama qaybta kore ee lafta shashada; waxay kaloo kasoo bixi kartaa Sinta ama lafo kale. Calaamadaha ugu horeeya ee lagu arko waxaa kamid ah Kuus (ha ahaado mid la taaban karo ama mid si lama filaan ah raajo loogu arkay), Xanuun ayuu kuuska lahaan karaa ama xitaa xanuun malahan, Burada hadii ay mudo jirtana waxaa bukaanka lagu arkaa calaamado sida miisaankiisa oo yaraada, qofkii oo baaba’a. Xalka Buradan waa Qaliin & Daaweyn.
2. Ewing Sarcoma: Waa nuuca ugu badan ee ilmaha ku dhaca gaar ahaan ilmaha da’dooda u dhaxeyso 5 jir ilaa 15 jir. Meelaha ugu badan oo ay buradaan kasoo baxdana waa hareeraha Jilibka, Miskaha, Feeraha. sida buradii horana Calaamadaha iyo Xalka way iska ag dhaw yihiin balse mar kasta waxay daaweyntu ku xiran tahay heerka burada, ma faaftay, meesha ay ku taalo, Caafimaadka guud ee bukaanka iyo waxyaabo kaloo badan,
3. Chondrosarcoma: Waa nuuc buro Kansar ah oo asal ahaan Carjada kala goys yada u dhaxeysa iyo Lafaha kasoo baxda. Buradan waxay ku badan tahay dadka ka weyn 60 ka sano. Meelaha ugu badan oo ay kasoo baxdana waxaa ka mid ah miskaha, Sinta, Garabka. Calaamadaha lagu garto waxay kala mid tahay burooyinka kale. Badanaa Buradaan Qaliin ayaa ku filan.
4. Multiple Myeloma: Waa nuuca ugu badan Burooyinka Kansarka Lafaha iyadoo kusii badan dadka waayeelka ee ka weyn 70 sano. Laf dhabarka, Miskaha, Madaxa iyo Feeraha ayaa kamid ah meelaha ugu badan oo lagu arko buradaan. Calaamadaha waxay ku xiran yihiin meesha ay ku taalo burada balse calaamadaha guud way kala siman yihiin burooyinka kale. Xalka badanaa waa Daaweyn (Chemotherapy iyo Radiotherapy) iyo Qaliin.
Bukaanka Burada leh markuu dhakhtarka u imaado maxaa loo sameeyaa
Dhakhtarka waxa ugu horeeya ee uu sameeyo waa inuu wareysto bukaanka, si xog dhameystiran uu u helo. Su’aalaha ugu badan ee la weydiiyo bukaankana waxaa kamid ah: qaabka kuuska ama xanuunka burada ku bilaabmay, calaamadaha la socda, mudada iyo sida ay u koreyso, bukaanka wax balwad ah sida Sigaar cabis ma leeyahay, Miisaanka bukaanka wax maa iska bedelay oo ma caatoobay, Xanuuno kale sida Kansar amuu qabaa iyo Su’aalo badanoo kale. Qaybta Xog wareysiga bukaanka waa mida ugu horeysa uguna muhiimsan.
Kadib wareysiga Dhakhtarku wuxuu Fiisiteeyaa meeshii kuuska ku yaalay kadibna Baaritaano sida Raajo iyo Dhiigag ayuu u diraa bukaanka, hadii loo baahdana Iskaan sida CT ama MRI; Kadib dhakhtarka markuu isu geeyo xogta wareysiga iyo baaritaanada ayuu si hor’udhac ah u qiyaasaa nuuca burada inay tahay mid fudud iyo mid kansar ah markaas ayuuna ku taliyaa in la sii baaro sida in cad laga qaado ama in la baxnaaniyo oo lala socdo.
Waxaa xusid mudan:
1. Buro kasta Kansar ma ahan
2. Baarintaaka ugu horeeya ee burooyinka lafaha waa Raajo lafta la saaro
3. Burooyinka badan kooda waa la xalin karaa (Qalin ama iyo daaweyn), Natiijadooduna way fiican tahay
Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu fahan siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bukaanada si aad uga bogato Xanuunada ugu badan ee Lafaha & Kala goys yada.
Waxaa la Qoray
July 2023
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Laga soo Xigtay: AAOS & UptoDate
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
