Maxaa ka Cusub Journal-ka AAOS (Jan 2025)

Bil walba waxaa Qaybtan ku falan qeynaa Articles-ka ugu waaweyn ee uu daabaco Journal-ka (JAAOS), Articles-kaas oo ah kuwa cusub ama ugu xiisaha badan ama aan ugu yaraan is dhaho waxay muhiim u yihiin wadciga Soomaaliya ama region ka.

Maxaa Cusub

Bishaan Jan 2025, Journal ka wuxuu daabacay Articles kala duwan oo uu ugu xiiso badan yihiin:

1. Postoperative Complications and Readmission Rates in Robotic-Assisted Versus Manual Total Knee Arthroplasty

2. Dilute Povidone-Iodine Irrigation: The science of Molecular Iodine (I2) Kinetics and its Antibmicrobial Activity.

 iyo Articles kaloo badan.

Article ka Postoperative Complications and Readmission Rates in Robotic-Assisted Versus Manual Total Knee Arthroplasty waxay Authors ka fiiriyeen Complication rate, readmission rate ka bukaanada jilbaha loo bedelay ee Robot la isticmaalayay iyo kuwa sida caadiga loo qalay.

Waxay baareen Data-da isbitaalo dhowr ah oo gaareysay 15,999 bukaan oo 7,146 kamid ah lagu qalay Robot halka half ka kalana lagu qalay sida caadiga ee Jilba badalista waxaana qaliimadaas sameeyay 282 dhakhtar kala duwan. 90 Maalin qaalinka kadib wax farqi ah uma dhaxeyn in dib loogu soo celiyo bukaanka Isbitaalka cilado ka dhasahay qaliinka awgiis laakiin kusoo noqoshada isbitaalka ee la xiriirta dhaawac gaaray muruqa, seedka ama xinjir/dhiig meeshii la qalay ku aruuray waxay aad ugu yareed bukaanada lagu qalay Robot-ka.

Inkastoo wadankeeda hada aysan Robotic Assisted Total Knee Arthroplasty, Afrika dhana ayba gabaabsi ku tahay hadana waxay study ga cadeynee in Robot-ka faa’idooyin leeyahay.

Study-gan oo ah mid dheer ayaa halkan lagu soo koobi karan balse asigoo dhan linkgan ayaa laga aqrisan karaa. 

Sidoo kale Article ka Povidone Iodine oo ah review article wuxuu ka hadlayaa Chemistryga iyo sida ay u shaqeyso iyo sida ay udisho microorganism ka.

Halkan ka aqriso Article-ka oo dhameystiran.

Waxaa sidoo kale halkan ka aqrisan kartaa Dhamaan Articles ka kale ee JAAOS daabacay Volume 33 (2).

Maxaa ka cusub Joornaalada kale ee ugu waaweyn Orthopaedic-ga? Fadlan halkan ka Aqriso.

Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan guud laga siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan.

Waxaa la Qoray

2 February 2025

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Baraarujin: Xirfadle Caafimaad kasta waxaa lagama maarmaan ah inuu sameeyo Continuing Medical Education joogta ah si uu u update gareeyo aqoontiisa. Xogahan korana waxaa loogu tala galay inay kaa saacido kor u qaadista Aqoontaada.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.