Dhabar Xanuun Kabaabyo la socoto (Sciatica)
Inkastoo 90% dhabar xanuunku ka imaado Murqaha ama Seedaha dhabarka oo adkaada hadana waxaa jiro waxyaabo kale oo dadka qaar dhabar xanuunkooda lala xiriiriyo mid kamid ahna waa cadaadis fuula Neerfayaasha ku shaqa leh dareenka iyo awooda lugaha iyo qaarka danbe.
Neerfaha ugu badan ee Cadaadiska carjo ama laf iyo wax lamid ah saarmaan waa neerfaha ugu weyn jirka oo loo yaqaan Sciatic Nerve kaasoo kasoo baxa Xangulaha qaybta hoose ee Dhabarka wuxuuna maraa barida, qaybteeda gadaale ee bowdada ilaa Jilibka gadaashiis halkaas uu u qaybsamo laba qaybood oo kala waraabinaya horada iyo gadaasha lugta iyo cagta.
Calaamadaha ugu badan ee lagu garto cadaadis fuula Neerfahan waxaa kamid ah Xanuun iyo Kabaabyo laga dareemo barida ilaa Ciribta.
Dhakhtarka si uu xaqiijiyo Xanuunkaaga wuxuu sameeyaa Fiisito ama iyo Baaritaano sida MRI Scan kadibna wuxuu qiimeynaa heerka darnaashaha xanuunka iyadoo badanaa bukaanada lagu xaliyo Jimicsi iyo daawooyin marka laga reebo bukaanada leh Xanuun joogta ah oo ay wax ka tari waayeen jimicsi iyo daaweynba, nolol maalmeedkooduna dhib ku haayo xanuunka iyadoona bukaanadaas loo sameeyo Qaliin cadaadiska looga qaadayo Neerfaha.
Jimicsigu wuxuu qayb weyn ka qaataa daaweynta xanuunka iyo dhamaan xanuunada dhabarka iyadoo Jimicsiga hoose yahay midka ugu badan ee dhakhtarku kula taliyo bukaanada xanuunkan qaba. Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga oo Jimicsi uusan kuu qorin ha iska sameynin.
Dhabar xanuunka waxaa kaloo keeni kara sababo badan oo ay ugu badan tahay dhanka Murqaha oo adkaada (Muscle spasm) hadaba halkan ka aqriso.
Ciwaano la xiriira
Erayga Kala Goys Xanuun (Arthritis) waa magac guud oo loo isticmaalo Xanuun ka jira Kala goys. Waxaa Jira Nuucyo kala duwan oo kala goys xanuun ah.
Qaybtan waxaad ka heleysaa Wacyigelino isugu jira Qoraal iyo Video kuwaas oo ka hadlaya Xanuunada ugu badan ee lafaha iyo Kala goysyada
Waxaa la Qoray
Februrary 2024
Updated 05 March 2026
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
Fadlan noogu reeb Fikirkaaga halkan oo (Ku dhufo halkan) hadii aad ku Qanac santahay Adeegaa, Wacyigelinta & Daaweynta Dr.Sayid.
