Xanuunada Kala goysyada

Erayga “Arthritis” waa magac guud oo loo isticmaalo xanuun ka jira kala goyska. Waxaa jira nucyo badan oo kala goyso xanuun ah (Arthritis) sida in qofka hal kala goys xanuuno ama in dhowr kala goys xanuunaan.

Labada nuuc ee ugu caansan kala goys xanuunka waa Osteoarthritis iyo Rheumatoid Arthritis; labadooduna waxay ka siman yihiin in bukaanka kala goys xanuunayo balse waxay ku kala duwan yihiin tirada kala goysayada xanuunayo, xiliga ay xanuunaan, caalamadaha kale ee la socda iyo waxyaabo lagu arkaayo baaritaanada dhiiga iyo raajada.

Sida caadiga Lafaha kala goysyada waxaa u dhaxeeya carjo taas oo shaqadeedu tahay inaysan lafaha is xoqin; Labada cudur ee Osteoarthritis iyo Rheumatoid Arthritis Carjadii ayaa bur bur ku dhacayaa.

Osteoarthritis waa midka labada nuuc badan wuxuun kusii badan yahay dadka waaweyn, kuwa aad u cayilan iyo kuwa jug uga dhacday kala goyska; badanaa waxay ku dhacdaa kala goysyada culeeska saaran yahay sida Jilibka, Sinta, Anqawga balse waxay sidoo kale ku dhici karta Garbaha, Xusulka iyo xitaa kala goysyada yar sida kuwa faraha iyo cagaha.

Rheumatoid Arthritis (Soomaalida badanaa Rumatiisam ugu yeeraan) waa difaacii jirka oo weeraray carjadii kala goyska taas oo burburisa carjada; xanuunkan wuxuu ku badan yahay dumarka da’ dhaxaadka ah.

Calaamadaha ugu muhiimsan waa xanuun kala goysyo badan kaas oo sii daran aroorta hore ee subixii, qofkana uu roonaado qoraxda marka ay soo kululaato. Xanuunka waxaa lansocda barar yar & fidinta iyo laabida faraha oo qofka dhibta.

Maadaama labada xanuun isku egyihiin, Dhakhtarku wuxuu diraa baaritaano sida raajo iyo dhiigag kuwaas oo ka caawinaaya kala saaridooda.

Osteoarthritis xalkeedu wuxuu ku xiran yahay inta uu kala goyska weli isku jiro, hadii ay lafihii aad isugu soo dhawaadaan ama is taabanayaan , xalku waa qaliin Kala goyskaas la badalayo hadiise bukaanka calaamadihiisa darneed, lafaha kala goyskana isi saarneen waxaa ku filaan Xanuun baabi’iye, Miisaanka oo la dhimo hadii qofku cayilan yahay iyo Jimicsiyo lagu adkeynayo murqaha kala goyskaas loogana hortagaayo in dhaqdhaqaqa kala goysku xanibmo.

Rheumatoid Arthritis (Rumatiisam) xalkiisu waa daaweyn bilaawga hore taas oo qofka nolishiisa qaadanayo. Daawoyinka waxay isugu jiraan xanuun baabi’iye iyo kuwa difaacii jirka dhibka u geysan lahaa yareynaya.

F.G: Fadlan Daawo Video ga hoose sidoo kale la tasho Dhakhtarka hadii aad Calaamadahaas leedahay hana iska qaadan daawooyin joogto ah.

Ciwaano la xiriira

Osteoporosis (Lafaha oo Jilca) waa xanuun ay awooda lafaha yaraaneyso kuna badan dadka da’doodu ka weyn tahay 60 sano

Fadlan sii Aqri

Qaybtan waxaad ka heleysaa Wacyigelino isugu jira Qoraal iyo Video kuwaas oo ka hadlaya Xanuunada ugu badan ee lafaha iyo Kala goysyada

Fadlan sii Aqri

Waxaa la Qoray

August 2022

Updated 1 March 2026

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha Waxaad ka heli kartaa halkan oo aad balan ka qabsan karto.

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. 

Fadlan noogu reeb Fikirkaaga Qaybta hoose (Ku dhufo Review us on Google) hadii aad ku Qanac santahay Adeegaa, Wacyigelinta & Daaweynta Dr.Sayid.

4.7
Based on 17 reviews
powered by Google
mohamed abdullahi adam
09:10 29 Apr 24
Very Hamble and enthusiastic doctor when it comes dealing with pateints.
Deeqa Mohamed
19:05 19 Mar 22
Seadya Ahmed
18:03 04 Mar 22
Dr. Dr. Sayyid Omar
Nasra Mohamed
12:26 04 Mar 22
Abdikadir Mohamed
12:25 04 Mar 22
He is a very good Dr. I believe he has covered a lot of the field of Orhiopedic in the past.
Ali Sodal
10:17 22 Jul 21
Mashallah. Enjoy the service of Dr. Sayyid Omar
shawaal omar
09:54 03 Jul 21
He is good doctor I believe he’s one of best orthopedic surgeon in Somalia
js_loader
© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.