WHO & ESCEO on Osteoporosis
Osteoporosis oo ah Xanuun awooda lafaha ay yaraanayso kadibna laftii u nuglaaneyso inay jilicdo si fududna ku jabto waa xanuun ku badan kuna dhaca mid kamid ah 3 dii dumar ah oo dhiiga caadada ka go’ay iyo mid kamid ah 5 tii rag ah oo da’doodu ka weyn tahay 50 sano.
Xanuunkan ayaa dhib badan ku haaya dadka waaweyn iyadoo dadkan ay ka jabaan sinta, dhabarka iyo meelo kalaba kadibna dhibaatooyinkii jabka iyo socod yarida ka dhalatay sii qaada xanuuno kale oo ay qaarkood xitaa u geeriyoodaan.
Si looga hortago xanuunkan loona yareeyo dhibaatooyinka iyo dhimashada ka dhalata waxaa Ururada Lafaha iyo Caafimaadka isku baheysteen talaabooyin muhiim ah sida in laga hortago dhicitaanka dadka waaweyn, la adkeeyo laftii oo qofkii la siiyo suplements ama waxyaabo kale loo sameeyo, in la daaweeyo xanuunada kale ee uu qabo qofka.
Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Ururka Midowga yurub u qaabilsan ka hortaga iyo daaweynta Osteoporosis (ESCEO) ayaa bishaan February 2023 ku heshiiyay inay iska kaashadaan Cilmi baaris iyo talaabooyino kale oo lagu xakameynaayo dhibaatooyinka la xiriira Osteoporosis.
Talaabadaan ayaa ah mid wax weyn kusoo kordhin doonta dadaalka loogu jiro yareynta dhibaatooyinka Osteoporosis waxaana heshiiskan ku jira in qaybta hore ee Sanadkan 2023 ay WHO iyo International Osteporosis Foundation (IOF) ay wada sameeyaan Cilmi baarisyo ku aadan Osteoporosis iyagoo la shaqeynaayo Ururada kale ee Caalamiga.
Waxaa Xusid mudan in Dr.Sayid uu qayb ka yahay dadaalo ay wadaan ururo caalami ah sida AO iyo SICOT. AO Trauma ayaa waxay wadaa Cilmi baaris ay qayb ka yihiin in ka badan 100 wadan oo dunida ah laguna qeexaya jababka laf dhabarta ee ka imaada Osteoporosis (Osteoporotic Vertebral Fractures); Cilmi baaristan oo laheyd laba weji ayaa soo gaba gabowday lana sugayaa in la daabaco iyadoo Dr.Sayid na uu Soomaaliya qayb uga ahaa.
Sidoo kale SICOT ayaa shir Cilmiyeedkeeda sanadkan ee Qaahira qorsheyneysa Sessions lagu soo bandhigaayo Rehabilitation in Osteoporotic fractures taas oo uu Dr.Sayid qayb ka yahay.
Fadlan Maqaalka hoose aqriso oo daawo Video yada Dr.Sayid ee la xiriira si aad wax badan uga ogaato waa maxay Osteoporosis iyo waxa ka imaad kara.
Osteoporosis (Lafaha oo Jilca) waa xanuun ay awooda lafaha yaraaneyso kuna badan dadka da’doodu ka weyn tahay 60 sano
Fadlan sii aqri (Bog Cusub ayaa furmaya)
Maqaalkan waa qayb ka mid ah maqaalo aan ugu magac darnay “What is NEW in MEDICINE” kuwaas oo ay Dr.Sagal, oo ah Dhakhtarad ku taqasustay baaritaanada burooyinka iyo dheecaanada kana howl gasha Sagal Pathology Center iyo Dr.Sayid oo ah Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera ay Wadajir idin kugu qoraan.
