Tilmaamaha Bukaanka (Qaliinka kadib)

Tilmaamahan waxay isugu jiraan kuwo Guud, looguna tala galay bukaanka Qaliin galay iyo kuwo u gaar ah Bukaanada laga qalay Anqawga ka kor ee biro la geliyay. 

Fadlan raac hadii ay jiraan Tilmaamo dheeri ah oo uu Dhakhtarka ku siiyay.

Qaliinka kadib: Bukaanka sariirtiisa ayaa lagu celiyaa iyadoo lugta la qalay badanaa kab la saaro. Qaliinka kadib, Saacadaha hore wuxuu bukaanka dareemi karaa labo labo iyo xanuun, sidoo kalana lugta way barartaa waxaana Kalkaaliyayaasha siiyaan daawooyin lagu yareynaayo. Lugta kor ayaa loo qaadaa oo barkin ayaa hoos laga geliyaa, Baraf ayaa la saarsaaraa meelaha aysan ka daboolneen.

Sideed Saac kadib Qaliinka, hadii aysan jirin sababo kale oo bukaanka u diidaayo waa la istaajiyaa oo Shilke ayaa lagu socodsiiyaa iyadoo aan lugtii la qalay dhulka dhigeyn. Sidoo kale Dhamaan bukaanada qaliimada lafaha looga sameeyo lafaha waaweyn waxaa la siiyaa daawooyin ka hortagaayo Xinjirowga dhiiga.

Bukaanka intuu sariirta saaran yahay waxaa la baraa lana faraa inuu sameeyo Jimicsiyo anqawga iyo Jilibkaba la dhaq-dhaqaajinaayo si socodka dhiiga, soo noqodka dhiiga loo saacido bararkana loo yareeyo.

Maalin labaadka Qaliinka, badanaa waa la fasaxaa bukaanka, inta aan guriga loo dirina, Raajo ayaa la saaraa meeshii la qalay, Nabarkii qaliinka ayaa dhaymada laga bedelaa sidoo kalana bukaanka waxaa loo sharxaa tilmaamaha bixitaanka waxaana la siiyaa daawooyinka uu guriga ku qaadan lahaa sida xanuun baabi’iye iyo qalajiye.

 

Guriga: Bukaanka inta uu guriga joogo waxaa muhiim ah:

1. Inuusan sariir saarnaan. waa inuu soc socdaa, sariirtana u tagaa kaliya nasasho iyo hurdo.

2. Inuu daawooyinka Xanuun baabi’iyaha, Qalajiyaha iyo wixii kaloo daawo la siiyay u qaataa sidii loo faray

3. Inuu Sameeyaa jimicsiga Anqawga iyo Jilibka sida laabis iyo fidin iyo wixii kaloo la faray

4. Inuu ka ilaaliyaa nabarka qaliinka qoyaanka, carada iyo wasaqda

5. inuu lugta kor u qaado oo uu barkin hoos ka geliyo si loo yareeyo bararka

6. Inta uu soc-socdo guriga iyo meelaha kalaba wuxuu isticmaali karaa Shilke, Biraha la cugsado waxayna ku xiran tahay nuuca uu isticmaalayo iyo inuu luga culeys saarayo iyo in kale nooca jabkiisa iyo birta la geliyay.

Bukaanka Usbuuciiba mar ayaa Fiisito iyo in la fiiriyo xaaladiisa ugu imaanaa dhakhtarka waxaana badanaa lasoo noqdaa maalinta 7-aad ee qaliinka kadib iyo maalinta 14-aad iyadoo maalinta 14-aad bukaanka laga furo dunta qaliinka.

 

Wixii ka danbeeyo Maalinta 14-aad: Kadib marka laga furo bukaanka dunta qaliinka, hadii aysan jirin cilad kale oo uu usoo noqdo waxaa laga furaa kabkii jeestada ama brace-ka ahaa waxaana la faraa inuu Culeys yar, mid dhex-dhexaad ah ama intuu u dulqaadan karo saaro lugtii la qalay. F.G: Bukaan walba inta uu culeys saari karo lugta la qalay waxyaabo badan ayay ku xiran tahay oo fariin gooni u ah ayaa la siiyaa!

Bukaanka waxaa dib loo balamiyaa oo uu dhakhtarka arkaa 45 beri kadib qaliinka si raajo loo saaro loona fiiriyo inta ay kabantay lafta, dhaqdhaqaaqa uu bukaanka sameyn karo iyo wixii kale ee bukaanka kusoo kordhay.

hadii aysan wax cilad ah jirin, Laftana bilaawday inay kabanto, bukaanka xanuun dareemeyn, waxaa bukaanka laga joojiyaa biraha oo toos u soco ayaa la dhahaa.

Bukaanka wuxuu dib u arkaa dhakhtarka markii ay qaliinka kasoo wareegato 3 bilood, 6 bilood, 9 bilood iyo 12 bilood iyadoo xiliyadaasna dhakhtarka fiirinayo bukaanka waxa uu dareemayo, xaaladiisa caafimaad guud iyo reysashada lafta raajo ahaan iyo aragtida bukaankaba.

 

Muhiimada ay leedahay La Socodka Dhakhtarka: Qaliinka Jabka kadib, in bukaanku ku xirnaado dhakhtarkiisa ugu yaraan mudo Sanad ah waa muhiim si xili hore loo ogaado loona xaliyo dhibaatooyinka ka dhasha qaliinka.

Dhibaatooyinka dhici kara qaliinka kadib waxaa kamid ah: Infekshan, Nabarka qaliinka oo dilaaca ama reysashadiisa ay daahdo, Jabkii oo reysan waaya, Jabkii oo si qaldan (Qalooc kujira) u reysta, Jabkii oo reysashadiisa ay daahdo, Birtii ama boolashii la geliyay oo jaba, Bukaanka oo Xanuun Xinjir ku sameysmata xididka ay kudhacdo iyo dhibaatooyin kale.

 

Ciwaano la xiriira

Jirka bani aadamka waxaa kujira 206 Lafood iyadoona Lafaha Adimaha (Gacmaha & Lugaha) ay yihii kuwa ugu badan ee jaba; waxa ugu badan ee jabiyana waa Shil.

Fadlan sii Aqri

Qaybtan waxaad ka heleysaa Wacyigelino isugu jira Qoraal iyo Video kuwaas oo ka hadlaya Xanuunada ugu badan ee lafaha iyo Kala goysyada

Fadlan sii Aqri

Waxaa la Qoray

June 2024

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

Fadlan noogu reeb Fikirkaaga halkan oo (Ku dhufo halkan) hadii aad ku Qanac santahay Adeegaa, Wacyigelinta & Daaweynta Dr.Sayid.

4.7
Based on 17 reviews
powered by Google
mohamed abdullahi adam
09:10 29 Apr 24
Very Hamble and enthusiastic doctor when it comes dealing with pateints.
Deeqa Mohamed
19:05 19 Mar 22
Seadya Ahmed
18:03 04 Mar 22
Dr. Dr. Sayyid Omar
Nasra Mohamed
12:26 04 Mar 22
Abdikadir Mohamed
12:25 04 Mar 22
He is a very good Dr. I believe he has covered a lot of the field of Orhiopedic in the past.
Ali Sodal
10:17 22 Jul 21
Mashallah. Enjoy the service of Dr. Sayyid Omar
shawaal omar
09:54 03 Jul 21
He is good doctor I believe he’s one of best orthopedic surgeon in Somalia
js_loader
© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.