Tilmaamaha Bukaan socodka ee Isbitaalka

Bukaano badan ayaa is weydiiya markey Isbitaalka aadayaan: Intee ka bilaabaa? Meeqa Saac tagaa? Maxaa horay u qaataa? Meeqo saac ayay igu qaadanee? Meeqo lacag ah ayaa igu baxeysa? iyo Su’aalo kaloo badan.

Waxaan shaki ku jirin in bukaanka iyo bukaan la socodkaba uu kujiro walwal kaasoo ay sabab u tahay Xanuunka haaya iyo Su’aalaha badan oo maankiisa ka guuxaya.

Hadaba Maqaalkan waxaa kusoo koobaa Tilmaamo hagaya Bukaanka una fududeynaya booqashadiisa Dhakhtarka.

1. Inta aadan Guriga kasoo bixin: Waxaa muhiim ah inaad horay usoo qaadato dhamaan wixii Dokumiinti Caafimaad ah sida Baaritaano, daaweyn, iwm ee aad horay u martay ama ugu yaraan la xiriira xanuunka aa maanta u aadeyso dhakhtarka.

Internetka ka Aqri ama wac Xarunta aad tageyso oo weydii Xiliga Bukaan socodka ay bilaabato iyo xiliga ay ku eg tahay, inuu Joogo dhakhtarka aad rabto, Lacagta Fiisitada iyo wixii kaloo su’aal kaa guuxaya.

Waxaa muhiim ah qofka isbitaalka aadaya in hadiiba ay dad raacayaan ay ugu badnaan hal qof oo uu ka kalsoon yahay una dhaw raaco sida xaaska, walaalka, aabaha, hooyada, iwm. 

2. Marka aad tagto Isbitaalka: horay ka jaro Nambarka, sidoo kalana horay ka mar baaritaanada ay Kalkaalisada kuu sameyneyso sida Miisaanka, Cabirka dhiiga, iwm si uusan waqti badan kaaga lumin kadibna sugo inta lagaaga yeeraayo.

3. Marka aad gasho Qolka Dhakhtarka: halkan waa meesha ay ka bilaabaneyso baaristaada iyo daaweyntaada.

Dhakhtarku wuxuu ku bilaabi doonaa sida Anshaxa caafimaadka qabo soo dhaweyn iyo Isbarasho kadibna wuxuu ku weydiin doonaa “Waxa aad u timid maanta?” ama si kale hadii aan u dhigo “Xanuunka ku keenay isbitaalka“.

Waxaa muhiim ah inaad marka hore usheegto Xanuunka kusoo waday ee aad isbitaalka u timid kadibna hadii ay jiraan waxyaabo kale oo aad tabaneyso ama horay u qabtay aad gadaal ka raaciso.

Bukaano badan ayaa dhakhtarka xogta ka kala qariya taasina waxay saameyneysaa inuu ogaado Xanuunkaaga; Ogaaw 70% dhakhtarku wuxuu xanuunkaaga, sida loo baarayo iyo daaweyntiisaba ka ogaanaa wada sheekeysiga idin dhex marayo iyo su’aalaha uu ku weydiinayo. Hadii aad xog yar oo kala dhiman siisana waxaa ku adkaanaya inuu xanuunkaaga si fudud ku fahmi waayo lagana yaabo inuu baaritaano badan ku marsiiyo.

Ka sokow Xanuunkii aad u timid Isbitaalka, Dhakhtarka wuxuu ku weydiinaa hadii ay jiraan Xanuuno hore, Qaliin hore, Daawooyin kuu socda, Ma jiraan xanuuno ay leeyihiin Qoyskaaga,  Balwad ma leedahay iyo su’aalo kale oo la xiriira Caafimaadkaaga iyo Noloshaada kuwaas oo dhamaan muhiim u ah baarista iyo daaweynta aad mareysid. waxaa kaloo muhiim ah inaad dhakhtarka la wadaagto wixii baaris ama daaweyn ah ee xanuunkaaga la xiriira horayna aad u martay.

Isku day inaad Dhakhtarka siiso Xog badan oo aadan waxba ka reeban si aad u hesho baaris iyo daaweyn sax ah.

4. Fiisitada ama Physical Examination: Xog wareysi kadib, Dhakhtarka waxaa laga yaabaa inuu kursiga ama sariir kugu Fiisiteeyo asigoo fiirinaya, taabanaya, dhageysanaya ama siyaabo kale u ogaanaya meesha ku xanuuneysa. 

Waxaa lagama maarmaan ah in bukaanku wada shaqeyn u muujiyo dhakhtarka, kana run sheego waxa la weydiinayo marka fiisitada lagu gudo jiro oo uusan ka badbadin.

Fiisitada inta ay socoto, Dhakhtarku wuxuu raadinayaa tilmaamo la xiriira xogtii aad siisay intii lagu jiray is xog wareysiga; Tilmaamahaas oo uu helo ama waayana waxay u fududeyneysaa inuu ogaado xanuunkaaga.

Fiisitada waa waxa labaad ee ugu muhiimsan marka laga soo tago Xog wareysiga laguna ogaado xanuunka bukaanka.

5. Baaritaanada: is xog wareysi iyo Fiisito kadib, Dhakhtarku wuxuu diraa Baaritaano kuwaas oo isugu jiro laba nuuc; kuwo la xiriira xanuunkii iyo tilmaamihii bukaanka lagu arkay iyo kuwo guud oo ay fiican tahay in bukaanka loo sameeyo.

Tusaale: Hooyo 55 jir ah dhiiga caadadana ka go’ay ayaa u timid lafa xanuun iyo inay bil ka hor ka jabtay gacanta; Hooyada waxaa laga yaabaa inay rabto kaliya in Raajo la saaro gacanta balse dhakhtarka wuxuu ku talinaa in baaris dheeri ah sida Awooda lafaheeda, Kaalsiyam, Vitamin D iyo baaritaano kaloo aasaasi ah in la sameeyo. sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in dhakhtarku u sharxo bukaanka baaritaanada uu u dirayo, bukaankana waxaa muhiim ah in uu qaato talada dhakhtarka uuna aamino.

F.G: Mar kasta waxaa muhiim ah in Bukaanka danta yar ee dhaqaale ahaan aan awoodin baaritaano badan loo diro kaliya waxa ugu muhiimsan, baaritaankuna waa inuu ahaadaa mar walba Cost effective.

6. Inta la sugayo Jawaabta Baaritaanada: inkastoo ay Isbitaalada ku kala duwan yihiin waqtiga soo bixista jawaabaha hadana badanaa sheybaaradu waa saacad ilaa saacad iyo bar, halka Kombuyuutarka, Raajada iyo kuwa kaloo yar yar ay qaataan 15 daqiiqo. Waxaa xusid mudan in waqtiga uu ku xiran yahay inta qof ee kaa horeysa iyo nuuca qalabka ee Isbitaalku isticmaalayo. 

Isbitaalada badankooda waxay leeyihiin Shaashado ay ka baxaan wacyigelino caafimaad, waxaana fiican in bukaanku ka faaideysto oo uu daawado wacyigelinadaas. hadii qofku yahay xirfadle shaqo kasoo tagay waxaa fiican inuu ogaado waqtiga ay soo baxayaan jawaabaha kadibna uu shaqadiisa isaga laabto soona noqdo marka ay jawaabaha soo baxaan.

7. Isku soo noqodka & Gaba gabada: Ujeedada Is xog wareysiga, fiisitada iyo Baaritaanada waa inuu dhakhtarku helaa xanuunka ama xanuunada ugu badan oo ay suurto gal tahay in bukaanku qabo. iyadoo intaas si sax ah loo marina way ku adkaaneysaa dhakhtarka inuu helo xalka bukaanka.

Marka ay soo baxaan jawaabaha, Dhakhtarku wuxuu xog kooban siiyaa bukaanka taasoo ah wixii xog wareysiga, fiisitada iyo baaritaanadaba lagu arkay sidoo kalana waxaa bukaanka loo sheegaa xanuunka ay u badan tahay inuu qabo iyo xalkiisa sida daaweynta, la socoshada iyo waxyaabaha kale ee bukaanka laga rabo.

Gabagabadii, waxaa bukaanka la weydiiyaa ama laga dhegeystaa haduu su’aalo qabo waxaana la fiiriyaa inuu fahmay xanuunkiisa iyo tilmaamaha daaweyntiisa.

Dhakhtarku wuxuu jecel yahay in bukaan walba oo u imaada uu caafimaado balse taas suuro gal maahan hadii aysan jirin wada shaqeyn. bukaanku hadii uusan fahmin waxa laga rabo waxay saameyneysaa daaweyntiisa, dhakhtarkuna haduusan warbixin dhameystiran siin bukaanka waxay sidoo kale saameyneysaa daaweynta.

Waxaa jira qaladaad ay galaan bukaanada kuwaas oo saameynaya daaweyntooda lagan yaabo in qarash dheeri uga baxo waxaana ka mid ah:

1. in bukaanka uu kasoo tago baaritaano muhiim u ah xanuunkiisa lagana yaabo inuu goor dhaw sameeyay

2. in bukaanka ay soo raacaan dad badan kuwaasoo laga yaabo markey qolka dhakhtarka la galaan inuu xogta qaar sheegi waayo ama qariyo dadka la jooga daraadiis

3, In bukaanka dalbado baaritaano aan wax u tareyn balse laga yaabo inay halis caafimaad u horseedo sida CT scan i mari ama Scan i marsii dre.

Waxaa xusid mudan in Dhakhtarka laga rabo waxyaabo badan oo fududeynaya adeega bukaanka loo qabanayo sida in Privacy la siiyo, Waqti la siiyo, laga tala geliyo xanuunkiisa; dhamaan waxyaabahaan ma ahan kuwa aan maqaalkan ugu talo galnay balse waa wax ah bahda caafimaadka ka dhereg san yihiin.

Waxaan rajaynaa in Tilmaamaha iyo Talooyinka aan halkan kusoo koobay wax badan kaa anfaci doonaan.

Ciwaano la xiriira

Qof kasta oo bani aadamka ka mid ah wuu Xanuusadaa kadibna wuxuu aadaa Dhakhtar si la talin iyo Daaweyn uu u helo.

Hargab, Madax xanuun, Gaas, Lafa Xanuun, Hurda yari iyo boqolaal ciladood oo kale ayay bukaanada u tagaan isbitaalada balse Su’aasha muhiim ka ah ayaa ah ” Sidee ku dooranee Dhakhtarka aad u tageysid?

Fadlan sii Aqri

Qaybtan waxaad ka heleysaa Wacyigelino isugu jira Qoraal iyo Video kuwaas oo ka hadlaya Xanuunada ugu badan ee lafaha iyo Kala goysyada

Fadlan sii Aqri

Waxaa la Qoray

20 April 2024

Updated 25 June 2024

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Digniin: Xogta kore waa Baraarujin loogu talo galay Bukaanka. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

© 2025 Dr. Sayid. All Rights Reserved.