Sidee ku dooranee Dhakhtarka aad u tageysid?
Qof kasta oo bani aadamka ka mid ah wuu Xanuusadaa kadibna wuxuu aadaa Dhakhtar si la talin iyo Daaweyn uu u helo.
Hargab, Madax xanuun, Gaas, Lafa Xanuun, Hurda yari iyo boqolaal ciladood oo kale ayay bukaanada u tagaan isbitaalada balse Su’aasha muhiim ka ah ayaa ah ” Sidee ku dooranee Dhakhtarka aad u tageysid?“
Afar shey ayaa laga fiiriyaa Dhakhtarka aad naftaada ku aamini rabtid :
- Ma bartay Cilmiga uu ku shaqeynayo mana u haystaa Shahaado Xaqiiq ah
- Khibrada Shaqo ee Dhakhtarka
- Cilmi baarisyada uu Sameeyay
- Aqoon kororsi ma sameeyaa
Aan ku bilaawno tan koowaad:
1. Ma bartay Cilmiga uu ku shaqeynooyo mana u haystaa Shahaado Xaqiiq ah?
Waa mida ugu muhiimsan ee Dhakhtarka lagu doorto waana mida ugu adag inaad ogaato hadii aad Somalia joogto maxaa yeelay ma jirto hada meel dadweynuhu ka arki karaan liiska Dhakhaatiirta saxda ah iyo hay’ad diiwaanka Dhakhaatiirta meel public ah kula wadaagto bulshada.
Dhakhtar waxaa la dhahaa qofka bartay Caafimaad mudo 5sano ah kadibna sanad 6aad oo baraatiko Isbitaal ah sameeyay asigoo ka hoos shaqeynaya dhakhtar ka sareeya; Dhakhtarka nuucaas ah waa Dhakhtar Guud wuxuuna wataa Shahaado Bachelor degree ah (F.G: Mudada waxay noqon kartaa 5, 6, 7 sano iwm; Tusaale: Jaamacadaha qaar ee caalamka Bachelor koodu waa 5 sano sida ay ahaydba Jaamacada Umada Soomaaliyeed waagii hore halka kuwa kalana ay yihiin 7sano).
Dhakhtar Takhasus leh waa qofka lixda sano ee Bachelor ka ka dib bartay qayb hoose oo ka tirsan caafimaadka (Mudada Taqasuska waxay noqon kartaa ugu yaraan 3 sano iyadoo ku xiran nuuca Taqasuska iyo System ka wadanka).
Tusaale Taqasus waxaa ka mid ah:
Dhakhtar Daaweynta iyo Qaliinka Lafaha
Dhakhtarka Cudurada Haweenka
Dhakhtarka Caruurta
Dhakhtarka Maaqaarka
Dhakhtaka Cudurada Uur kujirta
F.G: Ma jiro Taqasus hal isku ah oo la dhaho Dhakhtarka Cudurada Guud, Caruurta iyo Haweenka.
Hadaba waxyaabaha aa ku ogaan kartid in dhakhtarka aad aadeyso ama aad u tagtay buuxiyay shuruudaha kore waxaa ka mid ah inaad ka raadiso xogtiisa internetka adigoo dhowr meel ugu yaraan ka aqrinaya, inaad weydiiso asxaabta, in hadii aad taqaan dhakhtar kale aad weydiiso, in hadii dhakhtarka aad u socoto taqasus yahay aad weydiiso dhakhtarka guud inuu kuu diro mid uu yaqaan.
Dhakhtarka aad u sooctid inta aadan u tagin dadkii u tagay ka wareyso dabeecadiisa & Anshaxiisa; dhakhtarku hadii uusan anshax iyo naxariis lahayn daawadiisa iyo cilmigiisa barako ma leh.
Waxaa sidoo kale la sameeyaa in marka aad u tagtid dhakhtarka aad xafiiskiisa ka fiirisid wax shahaado ah hadey ugu dhegen yihiin in kastoo Dhakhaatiirta Soomaalida badankoodu ku dhegsan.
2. Khibrada Shaqo ee Dhakhtarka
Marka laga soo tago Barashada Cilmiga iyo in dhakhtarku shahaado u haysto waxa uu ku shaqeynayo hadana waxaa aad muhiim u ah Khibrad shaqo.
Khibrada shaqo waa dhakhtarku inuu ku shaqeeyay cilmigii uu bartay iyadoo marba marka ka danbeyso khibradu ay kordhiso kalsoonida dhakhtarka iyo guusha uu ka gaaro bukaankiisa. Waxaa muhiim ah in bukaanku fahmo Khibrad dheer oo aan ku saleysneen cilmi la bartay inay khatarteeda leedahay waxaana jirta oraah oraneysa (Right practice makes perfect laakiin wrong practice khatar badan ayuu leeyahay).
Waxaa shaki ku jirin dhakhtarba dhakhtarka uu ka khibrad badan yahay (right practice) inuu ka sareeyo kana magac dheer yahay.
3. Cilmi baarisyada uu sameeyay
Cilmi baaristu waxay muhiim u tahay khibrada dhakhtarka iyadoo mar kasta uu dhakhtarku cilmi baaris sameeyo aqoon cusub u kordheyso taasna ay faa’ido ugu jirto daaweynta bukaanka.
Khabiir waxaa la dhahaa qofka taqasuskiisa ku xeel dheer waxa ugu badan ee khabiir nimada lagu qeexana waa khibrada shaqo iyo Cilmi baarista.
4. Aqoon kororsi ma sameeyaa?
Tayada iyo License ga dhakhtarka waxaa aasaas u ah inuu waxbarasho joogta ah ku jiro waana mida la isku qiimeeyo wadamada hormaray.
Hadii dhakhtarku isticmaalo social media ka fiiri bogiisa waxa uu qabto, aqoon kororsi ma sameeyaa, shirar ma xaadiraa, wax ma aqriyaa, wax ma qoraa. Ishaada ayaa macalin kuu ah!
Intaas waxaa aasaas u ah dhakhtarkana waajib ku ah inuu ilaaliyo Xuquuqda bukaanka. Dhakhtarka fiican wuxuu siiyaa bukaanka waqti ku filan, wuu ixtiraamaa wuuna ilaaliyaa xuquuqdiisa.
Gaba gabadii waxaa jira dhaqamo qaldan oo Soomaaliya ka jira eeduna ay wada leeyihiin bukaanka, Dhakhtarka iyo Bulshadaba, waxaana ka mid ah:
1. Waxaa Soomaaliya ku batay dhaqan ah in Caafimaad (Dhakhtarnimo) lagu barto sanad ama laba sano iyo wax lamid ah iyadoo qofku kuu sheegayo in uu dhameystirtay oo laga wado inuu kalkaaliye ama sheybaar ahaa kadibna uu sanad ama laba sano iyo wax lamid ah uu ku darsaday) hadaba bulshada waxaa muhiim ah inay arintan ku baraaarugaan
2. Dhakhtar Hebel ayaa saf dheer loogu jiraa ee ii geey iyadoo qofku fiirin dhakhtarka waxa lagu qiimeynaaye
3. Ajnabi ma joogaa Isbitaalka: inkastoo dhaqankii ajnabi jaceylka soo yaraanayo hadana waxaa muhiim ah in bulshadu fahanto in inta aad heleysid dhakhtar soomaali ah af soomaali kugula hadlaya lehna shuruudaha aan kor kusoo sheegnay uu soomaaliga kuu fiican yahay. Waxaan shaki ku jirin in Dhakhtarka Ajnabiga ah ee tayadiisa la xaqiijiyay lehna khibrad sare loo baahan yahay si aqoon looga kororsado, bukaankana daaweyn dalka gudihiisa ugu helo.
4. Hebel waa Dhakhtar iyadoo hebelkaas uusan baran Cilmiga caafimaadka balse uu caawin jiray kaliya aabihiis ama qof uu la shaqeyn jiray kadibna qofkii marka uu dhinto ama baxo uu caawiyihii shaqada la wareego
5. Bulshadu waxay ku meereysataa dad dhaqameed ah oo ka faaideystay nidaam xumida wadanka iyagoo wax kaba, guba, gooya, umu sibyaan iyo wax badan oo kale oo aan la aqoon caafimaadkana meel kasoo galin sameeya
6. Bukaanka markuu Dhakhtarka u tago xogtiisii hore ayuu ka qariyaa ama waraaqaha horay umaba soo qaato; xogta oo faahfaahsan oo dhakhtarka aad u sheegto waxay ka caawinee inuu xanuun kaaga fahmo; dhaqanka ah dhakhtarka ma ogola baaritaanadii hore waa mid aan sax ahayn dhakhtarkii ku dhahaana waa beentiis!.
7. Bukaanada waxay Isbitaalada tagaan xili danbe (Ogaaw Daaweynta waxay mar kasta guuleysan ogtahay inta xanuunka uu cusub yahay) iyagoo bilawga hore jeebkooda iska daaweeya kadibna wareega farmashiye, meelo dhaqameed ugu danbeyna taga isbitaalka goor danbe.
Waxaan rajaynaa in Qormadaan ay kuu ifisay Dhakhtarka aad naftaada iyo tan qoyskaaga ku aamini lahayd.
Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu fahan siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bukaanada si aad uga bogato Xanuunada ugu badan ee Lafaha & Kala goys yada.
Waxaa la Qoray
October 2022
Updated 05 March 2026
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha.
Ma dooneysaa inaad la tashato Dr.Sayid?
Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
