Saameyn Intee ah ayuu Sigaarka ku leeyahay halista Infekshanka iyo Raysashada Lafta?
Bil walba waxaa Qaybtan ku falan qeynaa Articles-ka ugu waaweyn ee uu daabaco Journal of Orthopaedic Trauma (JOT), Articles-kaas oo ah kuwa cusub ama ugu xiisaha badan ama aan ugu yaraan is dhaho waxay muhiim u yihiin wadciga Soomaaliya ama region ka.
Bishaan May 2024, Journal ka wuxuu daabacay Articles kala duwan oo uu ugu xiiso badan yahay:
The Impact of smoking on hospital course and postoperative outcomes in patients with Fracture-Related-Infections: Cilmi baaristan oo ay sameeyeen Evan G. et al ayaa waxay baareen saameynta uu Sigaarka ku leeyahay reysada lafta iyo qaadista Infekashan qaliinka Lafaha kadib.
Study ga oo ah mid retrospective ah ayaa 301 bukaan la isku bar bar dhigay kuwaas oo 155 kamid ah ay sigaar cabi jireen halka 146 aysan sigaar cabin. Bukaanada Sigaarka cabaye waxay u badnaayeen Rag dhanka kalana way ka miisaan (BMI) hooseeyeen kuwa aan Sigaarka cabin. Boqolkiiba 78 (78%) waxay ka jabnaayeen Lafaha Tibia, Femur iyo Humer. waxaa xusid mudan in tirada bukaanada open fractures ka ahaa ee labada group ay isku mid ahaayeen (Smokers=43.9% vs Non-smokers=42.5%) iyadoona tirada dadka Sokorowga qaba labada group ay kala ahaayeen (Smokers=12.9% vs Non-smokers=25.3%).
Gabagabadii, waxay cilmi baarayaashu ogaadeen in Bukaanadii Sigaarka cabaye uu Infekshanka ku badnaa sidoo dhanka kalana ay ku badneyd inay raysan wayso ama kabmi wayso lafta.
5 Sababood oo lala xiriiriyo sida Sigaarka u saameeyo Lafta iyo reysashadeeda ayaa kala ah:
1. inuu yareynayo dhiiga gaaraya meesha dhaawaca ah (Lafta).
2. In Sigaarka uu badaniyo levels ka Reactive Oxygen Species (ROS)
3, in Nicotine ka Sigaarka ku jira uu sameynayo Osteoblasts, Lafaha ku shaqo leh sameysanka lafo cusub
4. in Sigaarku jilcinayo Lafaha uuna u horseedayo Osteoporosis
5. inuu si guud ahaan u dhibaateynayo Caafimaadka qofka asigoo saameyno xubno kala duwan
Waxaa sidoo kale halkan ka aqrisan kartaa Articles ka kale ee JOT daabacay Bishan May 2024.
Ma Aqrisatay Articles kii bisha April oo aan kasoo qaadanay hal Article oo xiiso badan; Halkan ka Aqriso.
Maxaa ka cusub Joornaalada kale ee ugu waaweyn Orthopaedic-ga? Fadlan halkan ka Aqriso.
Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan guud laga siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan.
Waxaa la Qoray
22 April 2024
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Baraarujin: Xirfadle Caafimaad kasta waxaa lagama maarmaan ah inuu sameeyo Continuing Medical Education joogta ah si uu u update gareeyo aqoontiisa. Xogahan korana waxaa loogu tala galay inay kaa saacido kor u qaadista Aqoontaada.
