Qaliinka kahor & kadib

Qaliinka Kahor

Bukaan kasta oo Qaliin galaya oo aanan Emergency aheyn wuxuu maraa diyaarin qaliinka kahor ah halka bukaanada emergency ga iyaguna ay maraan laakiin aad uga duwan yahay; Dhakhaatiirta iyo Kalkaaliyayaasha bukaanka waxay u diyaariyaan qaliinka maalin ama maalmo ka hor si Caafimaad ahaan iyo maskax ahaanba bukaanka u noqdo mid ka bixi kara, qaliinka kadibna soo kabashadiisa ay dhaqso u dhacdo.

Diyaarinta bukaanka ee qaliinka ka hor waxay isugu jirtaa dhowr qodob sida in loo sharxo bukaanka xogta qaliinka (kahor iyo kadib) iyo waxa la xiriira, in caafimaad ahaan la baaro, la daaweeyo lana xaqiiyo caafimaadka bukaanka qaliinka ka hor.

Bukaanka mar ka koowaad waxaa bukaan socodka ama jiifka loogu sharxaa:

1. Nooca xanuunkiisa

2. Sababaha loo qalaayo 

3. Waxyaabaha lama huraanka ah Qaliinka kahor (Baaritaano, Daaweyn, Cuntada ama Cabitaanka lajoojiyo)

4. Faahfaahinta qaliinka (Faaido & Dhibaato)

5. Suuxdinta (Nuuca, Faa’idada iyo halista)

Dhamaan marka bukaanka loo sharxo xogta ayaa ogolaasho saxiix qoraal ah la sameeyaa.

Waxaa lama huraan ah qaliinka ka hor in baaritaano la sameeyo iyadoo nuuca baaritaana iyo tiradooda ay ku xeran tahay qaliinka nuuciisa iyo inta ay halistiisu gaarsiisan tahay; 

Baaritaanada ugu badan ee la sameeyo waxaa kamid ah:

1. CBC: dhiiga guud oo sheegaya qiyaasta Hb-ga iyo unugyada kale ee dhiiga 

2. Xanuunada dhiiga lagu kala qaado sida HIV, Cagaarshowga, iwm

3. Coagulation profile: Xinjirowga dhiiga oo dhowr baaritaan isugu jira

4. RFT: Shaqada Kiliyaha (Urea & Creatinine)

5. LFT: Shaqada beerka 

6. RBS: Cabirka Sokorta

7. Electrolytes (Na, K)

8. ECG

9. Chest X-ray (Raajo feeraha ah)

Liiska baaritaanadu wuu yaraan karaa ama wuu badan karaa waxayna ku xeran tahay da’da bukaanka, xaalada caafimaad iyo meesha laga qalaayo; Tusaale bukaan 50 jir ah qabana sokor iyo dhiig kar, qaliin 3saac soconaya qalaya wuxuu marayaa baaritaano intaas iyo in kabadan halka bukaan 30 jir ah caafimaad qaba loona sameynayo qaliin fudud laga yaabo in baaritaano kooban uu maro.

Tilmaamaha iyo Talooyinka bukaanka lasiinayo waxay sidoo kale ku xiranyihiin habraaca isbitaalka u yaal; Tusaale qaliimada qaar, Dhakhtarka waxaa uu kugula talin karaa inaad soo qubeysato habeenka qaliinka kahor iyo talooyin kale.

F.G: Fadlan mar kasta la tasho Dhakhtarkaaga si uu kuugu diyaariyo qaliinka si badqab kujirto.

Qaliinka Kadib

Qaliinka kadib waxaa sidoo kale muhiim ah oo bukaanka loo sharxaa qaliinka kahor iyo kadiba waxyaabaha la sameynayo iyo kuwa la iska ilaalilnayo.

Tusaale: Bukaanka jabnaa ee biraha la geliyay waxaa laga yaabaa in bukaana socod loo ogolaado isla maalinta qaliinka ku xigta halka mid kale culeys yar saar la dhaho halka mid kalana laga ilaaliyo wax culeys ah.

Xiliga Cuntada ama cabitaanka la bilaabayo qaliinka kadib waxay ku xeran tahay meesha bukaanka laga qalay, Nuuca suuxdinta uu maray iyo Caafimaadkiisa guud.

Ciwaano la xiriira

Xogtan waa Tilmaamaha / Waxyaabaha laga rabo bukaanka inuu sameeyo Qaliinka kadib.

Fadlan sii Aqri

Qaybtan waxaad ka heleysaa Wacyigelino isugu jira Qoraal iyo Video kuwaas oo ka hadlaya Xanuunada ugu badan ee lafaha iyo Kala goysyada

Fadlan sii Aqri

Waxaa la Qoray

August 2022

Updated 1 March 2026

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha Waxaad ka heli kartaa halkan oo aad balan ka qabsan karto.

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. 

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.