Maxaa ka Cusub Journal-ka AAOS (July 2024)
Bil walba waxaa Qaybtan ku falan qeynaa Articles-ka ugu waaweyn ee uu daabaco Journal-ka (JAAOS), Articles-kaas oo ah kuwa cusub ama ugu xiisaha badan ama aan ugu yaraan is dhaho waxay muhiim u yihiin wadciga Soomaaliya ama region ka.
Bishaan July 2024, Journal ka wuxuu daabacay Articles kala duwan oo uu ugu xiiso badan yihiin:
1. High Tibial Osteotomy in Knee reconstruction and Joint preservation
2. Incidence and time course of symptomatic thromboembolic outcomes after lower extremity arthroscopic surgery, ankle fracture surgery and achilles tendon repair
3. Osteochondritis Dissecans lesions of the knee: Evidence based treatment
Article ka High Tibial Osteotomy oo ah review article waxay authors ka si detailed ah uga hadleen History of Osteotomies, Anatomy and Biomechanics, Clinical evaluation (History and Physical examination), Imaging (Standarized and Advanced), Surgical Indications, Preoperative planning, Surgical techniques (Open wedge vs Closed wedge), Complications iyo Outcomes.
Review article kan oo ah mid dheer ayaa halkan lagu soo koobi karan balse asigoo dhan linkgan ayaa laga aqrisan karaa.
Sidoo kale Article ka Osteochondritis Dissecans (OCD) waa review article si balaaran looga hadlaayo xanuunkan ku badan adolescents ka da’doodu u dhaxeyso 10 ilaa 20 jir badanaana la imaada xanuun jilibka ah maka danbana lagu arko barar iyo calaamado ka tarjumaya mechanical problems. MRI ayaa ah diagnostic tool ka detect gareyn karta lesion ka badanaa lagu arko lateral femoral condyle ka. Xalka wuxuu ku xiran yahay OCD lesion ka ma Stable mise Unstable iyadoo Stable lesions ka badanaa ay ku filan tahay baxnaanin iyo in culeyska jilibka la saaraayo la yareeyo lalana socdo bukaanka 3 ilaa 6 bilood.
Halkan ka aqriso Article-ka oo dhameystiran.
Waxaa sidoo kale halkan ka aqrisan kartaa Articles ka kale ee JAAOS daabacay bishii June 2024.
Waxaana Articles kaas ka mid ahaa Cemented Stem Designs in Total Hip Arthroplasty, Opioid Sparing NSAIDs Protocol in patients undergoing IMN for Tibia iyo Articles kaloo xiiso badan.
Maxaa ka cusub Joornaalada kale ee ugu waaweyn Orthopaedic-ga? Fadlan halkan ka Aqriso.
Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan guud laga siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan.
Waxaa la Qoray
4 July 2024
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Baraarujin: Xirfadle Caafimaad kasta waxaa lagama maarmaan ah inuu sameeyo Continuing Medical Education joogta ah si uu u update gareeyo aqoontiisa. Xogahan korana waxaa loogu tala galay inay kaa saacido kor u qaadista Aqoontaada.
