Maxaa ka Cusub Journal-ka AAOS (June 2024)
Bil walba waxaa Qaybtan ku falan qeynaa Articles-ka ugu waaweyn ee uu daabaco Journal-ka (JAAOS), Articles-kaas oo ah kuwa cusub ama ugu xiisaha badan ama aan ugu yaraan is dhaho waxay muhiim u yihiin wadciga Soomaaliya ama region ka.
Bishaan June 2024, Journal ka wuxuu daabacay Articles kala duwan oo uu ugu xiiso badan yihiin:
1. Cemented Stem Designs in Total Hip Arthroplasty
2. Opioid Sparing NSAIDs Protocol in patients undergoing IMN for Tibia: RCT
3. Incidence and Risk Factors for Acid Fast Bacillus / Fungul Culture positivity in Primary, Conversion and Revision Hip and Knee Arthroplasty
Tan iyo markii la alifay stems ka loo isticmaalo femoral fixation 1958 waxaa marba marka ka danbeysa la sameynayay generations cusub; Article 1aad ee kore wuxuu review gareynayaa history stems ka kala duwan, Biomechanical principles ka, failure mechanism kooda iyo Clinical outcomes ka lala xiriiriyo cemented femoral stems.
Daawooyinka NSAIDs ka waa kuwa ugu badan ee loo isticmaalo xanuun baabi’iyaha qaliin ka iyo dhaawac yada jajabka kadib; Inkastoo Cilmi baarisyo hore sheegeen in daawooyinkan ay sababaan di udhac reysashada lafta hada dhowr cilmi baaris kale ayaa xaqiijiyay inaysan saameyn weyn ku lahayn kabmista lafta. Cilmi baarista 2-aad ee kore waxay isku bar bar dhigeysaa in Paracetamol iyo Ketorolac oo la isku daray inay yareyn karaan isticmaalka iyo baahida daawooyinka Opiods ka kuwaas oo lala xiriiriyo dhibaatooyin badan oo ay ugu weyn yihiin la qabsi.
AFB iyo Fungal infections waxay kamid yihiin infekshanada dhifka ee ku dhaca bukaanada Jilbaha iyo Simaha loo bedelah; Cilmi baarista 3-aad ee kore waxaa la baaray 238 bukaan oo simo iyo jilbo loo bedelay iyadoo la fiirinayo kuwa infekshanka qaba meeqo kamid ah ayaa AFB iyo Funga infekshano qaba waxaana la ogaaday in 5.8% kamid ah qabaan infekshanadaas.
Waxaa halkan ka aqrisan kartaa dhamaan Articles ka uu daabacay journal-ka bishan June 2024,
Waxaa sidoo kale halkan ka aqrisan kartaa Articles ka kale ee JAAOS daabacay bilaawga bishii June 2024.
Waxaana Articles kaas ka mid ahaa Principles of Minimally Invasive reduction and Nail fixation for Subtrochanteric femur fractures iyo Articles kaloo xiiso badan.
Maxaa ka cusub Joornaalada kale ee ugu waaweyn Orthopaedic-ga? Fadlan halkan ka Aqriso.
Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan guud laga siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan.
Waxaa la Qoray
21 June 2024
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Baraarujin: Xirfadle Caafimaad kasta waxaa lagama maarmaan ah inuu sameeyo Continuing Medical Education joogta ah si uu u update gareeyo aqoontiisa. Xogahan korana waxaa loogu tala galay inay kaa saacido kor u qaadista Aqoontaada.
