Jabka Lafta Garabka (Scapula)
Lafta garabka waa laf balaaran oo sadax geesood ah gadaalna uga dhegan feeraha. Jab ku dhaca laftan waa yaryahay badanaana wuxuu ka imaadaa shil weyn. Badanaa lafta garabka kaligeed ma jabto waxaana la jaba lafaha feeraha, kalxanta iyo meelo kale.
Calaamadaha lagu garto Jabka lafta garbaka waxaa kamid ah xanuun garabka ah, qofka oo dhaqaajin waaya (dadka qaar way dhaqaajin karaan), barar, gaduud iyo qofka oo sheeganaya jug meesha uga dhacday.
Nasiib wanaag 90% jabka lafta garabka qaliin uma baahna, kab ayaana ku filan. Kaliya waxaa la qalaa markii laftu ay ka jabto meesha kala goyska garabka iska galaan ama jabku yahay mid ay aad u kala tageen lafaha jajabay. Dhakhtarka ayaa leh go’aanka kama danbeynta ee daaweynta ku haboon.
Fadlan booqo Qaybaha kale ee Jabka si aad uga bogato Wacyigelin iyo Warbixino kale oo wax badan ku ifin doona.
Waxaa la Qoray
August 2022
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
