Nabraha Sokorowga ee Cagta (10 Talo oo looga hortago)
Sida aan wada ognahay Xanuunka Sokorow ga ayaa kamid noqday Xanuunada ugu badan ee Maalin walba Dhakhaatiirtu arkaan iyadoo uu yahayna waxa labaad ee ugu badan ee loo jaro Lug shilalka kadib!
Nabraha waxay ka bilaabmaan dareen kii Cagta oo yaraada iyo dadka sokorta mudo qaba oo dhiiga gaaraya lugahooda yaryahay kadibna qofkii oo aan ogeyn wax mudaan ama wax uun dhaawacaan kadibna boog / Nabar yar oo kasoo baxa meeshii;
Hadii qofku fududeysto Nabarkaa yar kadibna uu ka daro ayna u raacaan Sokortii oo kacda Infekshanka daraadiis, daaweyn iyo dhaymo ku haboona loo sameyn waxaa laga yaabaa in Infekshanka ku faafo Lafta taasoo mar hadii ay dhacdo howl adag u baahan ama xitaa ay suuro gal tahay in la jaro Suulkii, Cagtii ama Lugtii oo dhan ama qayb kamid ah.
Hadaba sidee looga hortagi karaa Dhibaataas oo dhan iyo in qofka laga jaro lug?
Ku dadaal 10 kan Qodob oo ka dhigo qayb kamid ah Nolol maalmeed kaaga
1. Fiiri Cagahaaga iyo Lugahaaga oo ka fiiri wax jeex jeex ah, meelo kuusan, meel wax kaa mudeen, meel bararsan, meel gaduudan ama kalarkeeda is bedelay, Cidi hilib dabooli rabo. Hadii aad isku aragto mid kamid ah waxyaabahaas, Deg-Deg ula tasho Dhakhtarkaaga
2. Sida aad Shanta Salaad wejiga markaa dhaqeyso si fiican ugu dhaqdo, Subaxii, Habeenkii iyo Shanta Salaadoodba kormeer Lugahaaga, Mar walba ku dhaq biyo meel dheer qandac ah, Faraha dhexdooda, cidiyaha geesahooda ha ilaawin. Qalaji si tartiib ah hana ilaawin faraha dhaxdooda.
3. Marso Kareemada Qooya Maqaarka (Moisturizer) oo mari cagta iyo lugaha marka laga reebo meelaha faraha u dhaxeeya.
4. Xero Sigsaan jilicsan, aan kugu dheganeen, huur iyo kuleelna lahayn. Mar walbana ku dadaal Nadaafada Sigsaanta. Habeenkii Sigsaan ku seexo, Soomaaliya waxaa ii imaadaa bukaano badan oo Dooli faraha foodooda ka cuno. Iskana buufi Cayayaanada ku dhibaateyn kara.
5. Xero kabo Jilcan oo daboolan aanana kugu dheganeyn, hadii aad heleysana nuucyada dadka sokorowga loogu talo galay.
6. Mar walba iska fiiri Kabahaaga: Subixii iyo mar walba inta aadan gashan, Iska jaf kabaha si dhagax ama wax kastoo cadaadis saari kaara cagta ay kaaga soo daataan, hoos ka fiiri si hadii qodax ama wax kaloo ku mudi kara ay ka taagan yihiin, si guud fiiri meelo ay ka duusmeen iyo hadii ay dhamaadeeb oo badal i baahan yihiin.
7. Kabo la’aan / Dacas la’aan marnaba ha socon xitaa Gurigaaga dhaxdiisa.
8. Iska jar oo iska gaabi cidiyaha mar walba hana ogolaan iney dheeraadaan oo hilib dhax galo
9. Xasuusnaaw, Sokortaada oo aad Koontorooshid (Cabirka dhiiga oo meesha loogu talo galay ku haysid) waa waxa ugu muhiimsan ee yareynaya halista dhibaatooyinka sokorowga oo ay kamid tahay dareenka lugaha oo yaraada.
10. Lixdii bil ama Sanadkiiba mar ugu yaraan la tasho Dhakhtarkaaga oo si gooni ah halagaaga fiiriyo Cagaha
Gabagabadii, La soco Caafimaadkaaga oo mar walba ku xirnaaw Dhakhtarkaaga. Xasuusnaaw Ka hortaga ayaa ka fiican Daaweynta, Dhamaan 10 kan qodobna waa Talooyinkii aa uga hortagi lahayd, Ilaahey idinkiisna uga badbaadi lahayd in suul, Cag ama Lug lagaa jaro.
Waxaa Video ga hoose uu Dr.Sayid ku sharaxayaa Nabrahan waxay ay yihiin iyo Daaweyntooda ee Fadlan daawo video-ga.
Ciwaano la xiriira
Nabraha Sokorow-ga ee ku dhaca Cagta loona yaqaano Diabetic Foot Ulcers waa nabro ku badan dadka qaba xanuunka Macaanka (Sokorowga) iyadoona boqolkiiba 34% dadka sokorta qaba ay mar uun noloshooda ku dhacaan nabrahaas!
Qaybtan waxaad ka heleysaa Wacyigelino isugu jira Qoraal iyo Video kuwaas oo ka hadlaya Xanuunada ugu badan ee lafaha iyo Kala goysyada
Dr.Sayid wuxuu qoraa ama soo aruuriyaa Maqaalo ku saabsan Xanuunada Lafaha iyo kuwa kale ee ku badan Somalia kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka laga update gareeyo Approach-ka loo maro daaweynta Xanuunadan. Fadlan Aqriso in ka badan 200 maqaal oo ku saabsan Wacyigelin ama Booqo Qaybta Videos-ka si aad u daawato Wacyigelin kala duwan.
Waxaa la Qoray
24 June 2024
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Horseed
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
Fadlan noogu reeb Fikirkaaga Qaybta hoose (Ku dhufo Review us on Google) hadii aad ku Qanac santahay Adeegaa, Wacyigelinta & Daaweynta Dr.Sayid.
