Medical Students

Hadii aad tahay Medical Student waxaa halkan ka heleysaa xogo Caafimaad oo ku anfacaya ee Fadlan raac Linkyada kala duwan ee hoose.

Shantan Website ee hoose waa kuwo ugu badan ee ardada Caafimaadka isticmaalaan:

Balse inta aan Shanta Webste u gudbin Ma jeceshahay inaad diyaariso Imtixaanada Caalamiga sida USMLE, MRCP iyo kuwa la mid ka ah; Hadii ay jawaabtaadu tahay Haa, Booqo Machadka DBMCI oo ah kan ugu fiican India ee ardada u diyaariya Imtixaanada caalamiga.

Dhanka kale Shanta bog ee hoose waa kuwa ugu badan oo ay ardada Caafimaadka isticmaalaan lama huraana u ah waxbarashadooda.

1. Acland Anatomy Maadada anatomy-ga waxay aasaas u tahay barashada Caafimaadka hadii ardaygu faham fiican ka haysanina way adag tahay inuu barto maadooyinka kale ama xitaa dhakhtar fiican noqdo.

Website-kan waxaad ka heleysaa Videos lagu sharxaayo Anatomy-ga System yada kala duwan ee jirka iyadoona la isticmaalayo meyd. Nasiib daro waa lacag balse hadii aad raadiso videos-ka qaybo badan oo ka mid ah waxaad ka heleysaa YouTube.

Ma ogtahay in Dr.Sayid uu yahay Bare maadada Anatomy-ga asigoo u leh Khibrad 10 sano ah; waxaa inshalah Page-ka qaybta ardada soo gelin doonaa Casharo ka mid ah kuwa uu Dr.Sayid diyaariyay (Dhawaan Filo Inshalah).

2. Pass Medicine waa page aad ka heleysid kumanaan Su’aalo ah oo isugu jira maadooyinka kala duwan ee caafimaadka.

Hadii aad tahay arday jecel inuu su’aalo badan ka jawaabo, aqoontiisana kor uqaado waa bog ku anfacaya. Nasiib daro boga waa lacag oo ardada qaar ma awoodi karaan.

3. Radiopaedia Maku wareertay maadada Radiology-ga? ma waysay buugaag fiican oo Reference ah? waxaa fududeeyay page-kan Radiopaedia. 

Waa page lacag la’aan ah kana heleysid wax kasto oo medical Imaging ku saabsan kaliya waxaad u baahan tahay inaad isku diiwaan gelisid as low income country.

4. BMJ Students Waxaan rajaynayaa inaad maqashay BMJ oo ah British Medical Journal kana mid ah joornaalada ugu waaweyn Caafimaadka. wuxuu leeyahay qayb maqaalo looga qoray ardada iyadoo xogtaasna ardada waxyaabo kala duwan loogu sheegayo. waxaan rajaynayaa in cilmi kaaga kordhi doono. Maqaalada waxaa kamid ah:

Waa sidee nolol maalmeedka ardayga Caafimaadka?

Sidee ula noolaan kartaa Xanuunka Sokorowga adoo arday ah?

COVID19 iyo ardada Caafimaadka?

Liisku waa dheer yahay ee aqris wacan.

5. Joornaalka Ardada Caafimaadka Ma jeceshahay Cilmi baaris, Malagaa rabaa inaad qortid Thesis, Ma rabtaa inaad ardada kale ka duwanaato oo aad Joornaal caalami ah ku daabacdo cilmi baaristaada, Hadaba ka faa’ideyso oo aqriso mid kamid ah joornaalada caafimaadka ee ardada caafimaadka ee kula mid ka ah wax ku qoraan.

Sanad kasta 10 kaan Talo ayaan ardada siiyaa ee ka faa’ideysi wacan

Fadlan sii aqri

 

Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan ama Booqo Qaybta Bukaanada oo ka aqriso in ka badan 100 Maqaal oo Wacyigelino isugu jiro qoraal iyo Muuqaal.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.