Dr.Sayid omar waa Dhakhtar ku taqasusay Qaliinka iyo Daaweynta Xanuunada Lafaha iyo Kala qoysyada. Dhakhtarku wuxuu Waxbarashadiisa heerka koowaad kusoo qaatay Jaamacada Beihua ee dalka Shiinaha asigoo kasoo qalin jebiyay sanadkii 2012; Taqasuska Qaliinka Lafaha wuxuu kusoo qaatay Isbitaalka 1aad ee Jaamacada Jilin ee dalka Shiinaha asigoo soo dhameeyay Sanadkii 2018; wuxuu sidoo kale tababaro kusoo qaatay Isbitaalada St.Mary iyo Agakhan oo ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dr.Sayid wuxuu leeyahay ku dhawaad 15 sano oo khibrad dhakhtarnimo ah asigoo kasoo shaqeeyay meelo kala duwan sida Isbitaalo, Hay’ado iyo Jaamacado. Intuusan kusoo biirin Isbitaalka Horseed. Dr.Sayid wuxuu kasoo shaqeeyay Isbitaalada Carafaat iyo Jaamacada Jazeera oo kuyaala magaalada Muqdisho.
Dr.Sayid wuxuu hada ka howlgalaa Isbitaalka Horseed asigoo kusoo biiray Bishii Febraayo 2026 kii ahna Dhakhtarka Lafaha, Kala goysyada, Murqaha & Seedaha ee Isbitaalka.
Fadlan Daawo Video-ga soo Dhaweynta ee Dhakhtarka Lafaha.
D.Sayid wuxuu khibrad fiican u leeyahay lana tacaalaa:
1. Qaliinka Lafaha jaban sida gelinta biraha gudaha & biraha banaanka
2. Qaliimada Infekshanka Lafaha
3. Qaliinka Toosinta Lafaha Qalooca
4. Qaliimada Burooyinka Lafaha
5. Bedelista Sinta & Jilbaha
6. Durida Cirbadaha ee Kala goysyada
6. Kabida lafaha Jajaban
Dr.Sayid wuxuu sidoo kale sameeyaa qaliimada kala goysyada sida bedelida Simaha iyo Jilbaha
1. Shahaado Taqasuska Daaweynta iyo Qaliinka Lafaha (Master degree)
2. Shahaado Qaliinka burooyinka Lafaha (Diploma in Orthopaedic Oncology from British Orthopaedic Oncology Society (BOOS): 2024-2025)
3. Shahaado heerka koowaad ee Jaamacada Caafimaadka (Bachelor degree)
4. Shahaado Maareynta Jajabka Lafaha (AO Basic Principles of Fracture Management)
5. Shahaado AO Advanced Principles of Fracture Management
6. Shahaado International Trauma Life Support (ITLS)
7. Shahaado Basic Life Support (BLS)
8. Shahaado Qaliinka Dagaalada (ICRC War Wound Surgery)
9. Shahaado Anshaxa & Badqabka Cilmi baarista (Research Ethics Certificate)
10. Shahaado Maamumlka & Hogaaminta (Leadership Certificate)
Dr.Sayid waa Dhakhtar firfircoon xubina ka ah Ururo Caalami ah iyo kuwa dalka xilal kala duwana ka haaya. Dhakhtarku wuxuu ka tirsan yahay Ururuada soo Socda:
1. Ururka Dhakhaatiirta Lafaha ee Soomaaliya
(Gudoomiyaha Ururka, June 2022 – May 2024)
2. Ururka Dhakhaatiirta Lafaha Aduunka (SICOT)–
(Madaxa Ururka ee Soomaaliya & Xubin Intenrational Council ka Ururka SICOT, April 2020 – hada)
3. Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (Xubin Firfircoon, 2013 – hada)
4. Ururka Dhakhaatiirta Lafaha (OTA)
(Xubin 2020 – hada)
5. Ururka Dhakhaatiirta Lafaha (AO Trauma)–
(Xubin 2019 – hada)
6. SICOT Rehabilitation Committee (Xubin Nov 2022 – Nov 2024)
7. Ururka Dhakhaatiirta Lafaha ee Mareykanka (American Academy of Orthopedic Surgeons) Xubin 2024 – hada
Dr.Sayid wuxuu sidoo kale yahay Bare ka tirsan Jaamacada Jazeera sidoo kalana xilal kala duwan ka soo qabtay Jaaamacada Jazeera
1. Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Horseed (Febraayo 2026 – Hada)
2. Agaasimaha Isbitaalka Jaamacada Jazeera (Sept 2020 – January 2026 )
3. Bare maadada Qaliinka Lafaha (Orthopedics) (Sept 2018 – hada) iyo maadada Anatomy-ga (Sept 2018 – Hada)
4. Ku xigeenka Hormuudka Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Jazeera (Sept 2018 – May 2023)
5. Xubin ka tirsan Gudiga Tacliinta ee Jaamacada Jazeera (Sept 2018 – May 2023)
Dr.Sayid wuxuu aad u jecel yahay aqoon kororsiga asigoo usbuucii ka qayb gala 2-3 Shir aqoon kororsi qaabka fogaan araga. Dr.Sayid wuxuu ka qayb galay shirar iyo aqoon kororsiyo gudaha iyo Caalamka ka dhacay kuwaas oo dhamaan aan halkan lagu soo koobi karan waxaana ka mid ah:
2nd Somali Orthopadic Association Conference: July 2025, Mogadishu, Somalia
1. 1st Somali Orthopadic Association Conference: 6th June 2024, Mogadishu, Somalia
2. 43rd SICOT World Orthopedic Congress & 75th Egyptian Orthopedic Association Conference in Cairo, Egypt: November 2023
3. Mayo Clinic “Teach the Teachers” Elbow Course 2023-Live Stream: May 18-19 2023
4. 42 nd SICOT World Orthopedic Congress (Kuala Lumpur): September 2022
5. Radiopaedia Virtual Conference (Virtual): July 2022
6. 41st SICOT World Orthopedic Concern (Virtual): September 2021
7. OTA Annual Meeting (Virtual): October 2020
8. Kenya Orthopedic Association Annual Conference (Mombasa, Kenya): June 2017
9. Xinhua Hospital International General Surgery Conference (Shanghai, China): Nov 2015
10. 8th International Conference of Chinese Orthopedic Association (Beijing, China): Nov 2013
11. 6th International Conference of Chinese Orthopedic Association (Beijing, China): Nov 2011
12. Xinhua Hospital International General Surgery Conference (Shanghai, China): June 2
Dr.Sayid waa Cilmi baare qoray kana qayb galay Cilmi baarisyo kala duwan oo isugu jira Qaliinka lafaha iyo Caafimaadka guud kuwaas oo dhamaantood lagu daabacay joornaalo Caalami ah; qayb kamid ah Climi baarisyada Dr.Sayid waxaa ka mid ah:
1. Yu T, Wu Z, Mohamed SO, Ju W, Liu X, Qi B. Modified tension band wiring of patellar fracture as a technique to minimize postoperative complications: A case report. Medicine (Baltimore). 2020 Mar;99(12):e19576. doi: 10.1097/MD.0000000000019576.
2. Ju W, Mohamed SO, Qi B. Comparison of plate fixation vs. intramedullary fixation for the management of mid-shaft clavicle fractures: A systematic review and meta-analysis of randomised controlled trials. Exp Ther Med. 2020;20(3):2783-2793. doi:10.3892/etm.2020.9002
3. Abdi MA, Martin VT, Mohamed SO, Wang Z, Abdule LE,Yu B. Pre-debridement and post-debridement culture in open fractures of the extremities: A comparative study. Orthop Res Traumatol Open J. 2020; 5(1): 9-16. doi: 10.17140/ORTOJ-5-118
4. Sayid Omar Mohamed, MMa , Weina Ju, PhDb , Ying Qin, MMc , Baochang Qi, PhDa, “The term “floating” used in traumatic orthopedics” Medicine (2019) 98:7 http://dx.doi.org/10.1097/MD.0000000000014497
5. Di Zhou, Yong Zhang, Wei Gong, Sayid Omar Mohamed, Henry Ogbomo, Xuefeng Wang, Yingbin Liu, Zhiwei Quan, “Are Helicobacter Pylori and Other Helicobacter Species Infection Associated with Human Biliary Lithiasis? A Meta-Analysis” PLoS One. 2011; 6(11): e27390 doi: 10.1371/journal.pone.0027390
6. Sayid omar Mohamed, Postoperative Outcomes of Subtrochanteric fractures: a retrospective comparative study between intramedullary nail and plate. CNKI 2018; https://cdmd.cnki.com.cn/Article/CDMD-10183-1018222188.htm
7. MacKechnie MC, Shearer DW, Verhofstad MHJ, Martin C, Graham SM, Pesantez R, Schuetz M, Hüttl T, Kojima K, Bernstein BP, Miclau T; Delphi Study Group. Establishing Consensus on Essential Resources for Musculoskeletal Trauma Care Worldwide: A Modified Delphi Study. J Bone Joint Surg Am. 2023 Sep 14. doi: 10.2106/JBJS.23.00387.
8. Felix Karl-Ludwig Klingebiel, Vincet Landre, Morgan Hasegawa, Yannik Kalbas, Marc Hanschen, Kenichi Sawauchi, Sayid omar Mohamed, Mohamed Zarti, Mohammad Zain-ur-Rehmann, Alaric Aroojis, Shanmuganathan Rajasekaran, Hans-Christoph Pape & Roman Pfeifer on behalf of SICOT Trauma & Rehabiliation Research Group International Orthopaedics (SICOT) (2024). doi.org/10.1007/s00264-024-06385-0
Dr.Sayid wuxuu hada qayb ka yahay oo gaba gabo maraya 6 cilmi baaris; Labo ka mid ah waxaa ka qayb galay dhakhaatiir kakala socota shanta qaaradood ee caalamka waxaana Cilmi baaristan hormuud u ah Jaamacada California ee dalka Mareykanka. halka mida sadaxaad ay sameynayaan AO Trauma iyo German Orthopedic Associations (DGOU) ayna ka qayb galayaan in ka badan 150 dhakhtar oo kakala socota wadamo kala duwan. Mida afaraad na ay hogaamineyso Jaamacada NTU ee Singapore.
Cilmi baarisyada socda ee Dr.Sayid qeebta ka yahay ayaa waxaa kamid ah:
1. AO Spine-DGOU Osteoporotic Fracture Classification System International Validation Study
2. Leadership Survey Study
3. Digital health competencies for undergraduate medical education: Expert consensus eDelphi study
4. Periprosthetic Joint Infections (PJI) oo ah cilmi baaris weyn laguna soo bandhigay Shirkii ICM 2025 Istanbul
5. Cilmi baarisyo dhowr ah oo ay wado Xarunta Sagal Pathology Center
Dr.Sayid wuxuu daneeyaa Teknoolojiada, Ciyaaraha iyo Safarada.
WhatsApp us
