Jajabka ku dhaca Xusulka (Elbow fractures) wuxuu ku badan yahay caruurta waxaana badanaa sababa cunugii oo dhaca iyadoo gacanta u fidsan tahay; dadka waaweyn badanaa waxaa u sabab ah shil. Xusulka waxaa horay iyo gadaalba ka mara xidido iyo neerfo kuwaas oo halis ugu jira in uu dhaawac gaaro markii ay lafta jabto sidaa daraadeed waxaa fiican in bukaanka dhaqso isbitaalka tago si looga hortago naafo ka dhalata dhaawaca.
Raajo ayaa lagu xaqiijiyaa jabka; Xalka jabkana wuxuu ku xiran yahay da’da bukaanka iyo nuuca jabka, qaliinkana waxaa la sameeyaa hadii ay jiraan xaaladihii aan kusoo sheegnay qaybta xogta guud. Xasuusnaaw, Dhakhtarka ayaa mar kasto talada rasmiga dhiibaayo kadib markuu qiimeeyo xaalka bukaanka iyadoo bukaankuna go’aanka wax ku leeyahay.
Jabka labada lafood ee u dhaxeeya xusulka iyo gacanta (Forearm fractures) badanaa waxaa keena jug toos ah oo ku dhacda lafta ama ilmaha oo gacanta oo u fidsan dhaca. Hal laf kaliya ayaa jabi karta ama labada lafood ayaa wada jabi kara; jabku wuxuu noqon karaa mid kala bax kala goyska xusulka ama kala goyska gacanta la socdo.
Raajo ayaa lagu xaqiijiyaa jabka; Xalka jabkana wuxuu ku xiran yahay da’da bukaanka iyo nuuca jabka, qaliinkana waxaa la sameeyaa hadii ay jiraan xaaladihii aan kusoo sheegnay qaybta xogta guud. Dhakhtarka ayaa mar kasto talada rasmiga dhiibaayo kadib markuu qiimeeyo xaalka bukaanka iyadoo bukaankuna go’aanka wax ku leeyahay.
Jabka ku dhaca lafaha yaryar ee gacanta badanaa waxaa keena jug toos ah oo ku dhacday lafta, badanaana lafahaas waxaa lagu xaliyaa kab. balse waxaa jiri kara xaalado ay qaliin u baahdaan sida aan kusoo sheegnay qaybta xogta guud.