Suuxdinta
Suuxdintu waxay muhiim u tahay qaliinka waxayna yareysaa Xanuunka iyo walwalka bukaanka dareemi lahaa qaliinka waxayna bukaanka siisaa nafisa iyo degenaasho.
Waxaa jira Nuucyo kala duwan oo suuxdin ah sida in bukaanka dhan la hurdisiiyo tubana afka ama sanka laga geliyo si uu u neefsado (General Anesthesia), in bukaanka dhabarka laga suuxiyo (Spinal Anesthesia) asigoo soo jeeda, in bukaanka adinka la qalayo kaliya kabaabyo laga siiyo (regional anesthesia/Local anesthesia).
Nuuca suuxdinta uu bukaanka marayo waxay ku xiran tahay meesha la qalayo, da’da bukaanka, caafimaadka bukaanka iyo waxyaabo kale sida set-up ka xarunta lagu suuxinayo.
Waxaa Xusid mudan qodoban la xiriira Suuxdinta:
1. Bukaan walba intuusan Qaliin ka gelin wuxuu maraa fiirin uu fiirinayo Dhakhtarka Suuxiyaha si uu u xaqiijiyo Xaalada caafimaad ee bukaanka, Nuuca Suuxdinta ee ku haboon iyo halista ku xeeran nuuca loo suuxinayo
2. Bukaanada Qaarka kore ee jirka laga qalayo sida Gacmaha waxaa badanaa laga suuxiyaa Qoorta ama Suuxdin Guud
3. Bukaanada Qaarka hoose ee jirka laga qalayo waxaa laga suuxiyaa Dhabarka
4. Bukaanada Suuxdinta Guud maraya waxaa laga Soomiyaa / laga joojiyaa Cuntaada 6 saac qaliinka kahor iyo Cabitaanka 3 saac qaliinka kahor
5. Bukaanada Dhabarka laga suuxinayo iyagana badanaa sida kuwa suuxdinta guud oo kale ayaa cuntada iyo cabitaanka laga joojiyaa si lacala hadii suuxdin guud loo baahdo u yaraato halista in cuntadii ama cabitaankii aysan usoo laaban tubada hawada iyo sambabahana u gelin
6. Sida caadiga bukaanka suuxdinta guud waa uusoo kacaa marka qaliinka la dhameeyaba wuxuuna qolka saalada kasoo baxaa asigoo dadka kala yaqaan.
bukaanada qaar ayaa xoogaa hurdeysan ama qarawsan, waxayna ku xiran tahay da’da bukaanka iyo nuuca daawada lagu suuxiyay
7. Sida Qaliinkaba u leeyahay halis iyo Khatar ayay sidoo kalana Suuxdinta ha ahaato mid Guud ama mid Gaar ahbee waxay leedahay Halis taasoo bukaanka iyo ehelkiisaba loo sharaxo marka Saxiixa la sameynayo.
halisyada waxaa kamid ah in Xasaasiyad bukaanka ku qaado daawooyinka qaar ama mida ugu daran in Bukaanka soo kici waayo oo uu u baahdo inuu ku neefsado Machine sida Ventilator ama la geeyo ICU.
Xogtan kore waa mid hor udhac ah kaliya ee Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga si Suuxdinta kugu haboon, Faa’idadeeda iyo Halisteeda laguugu sharaxo.
Waxaa sidoo kale booqan kartaa dhamaan Qaybaha kale ee Bukaanka ama Bahda Caafimaadka si aad uga bogato Wacyigelin iyo Warbixino kale oo wax badan kuu ifin doona.
Waxaa la Qoray
February 2022
Updated 1 March 2026
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha Waxaad ka heli kartaa halkan oo aad balan ka qabsan karto.
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah.
