Pilon Fractures: Maxaa la isku raac san yahay? Maxaase la isku diidan yahay?

 

Pilon Fractures waa Complex distal intra-articular tibial fractures ka imaada badanaa high energy trauma.

Jabka nuucan ayaana lala xiriiriyaa high degree of soft tissue injury kaasoo sababa in anqawga bararo ama yeesho blisters. 

Pilon fractures waxaa badanaa sababaa shil gaari ama meel sare oo qofku kasoo dhaco waxaana lagu xaliyaa qaliin dhowr stage ah badanaa sida ku caan baxday concept ga (Span, Scan, Plan).

Bishii June 2023 ayaa Journal ka OTA International waxaa lagu daabacay Article soo koobaya waxyaabaha la isku raacsan yahay sida loo approach gareeyo Pilon fractures iyo waxyaabaha weli controversery ga ka jiraan. 

Pilon Fracture

Waxyaabaha Article ka focus ka saaray waxaa kamid ah: Surgical approaches, Preventing complications iyo Definitive fixation; Si natiijada ugu fiican ee daaweynta dhaawac yadan loo helana dhakhtarka iyo teamka la tacaalaya waa inay fahmaan principles ka sadaxdaas qodob si bukaanku ugu noqdo xaaladiisii dhaawaca ka hor ama ugu yaraan si ag dhaw oo nolol maalmeed kiisa aanan saameyneynin.

Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan.

Waxaa la Qoray

August 2023

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Laga soo Xigtay: OTA International Journal

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.