Mycetoma (Surgical Treatment)
Mycetoma waa mid ka mid ah xanuunada loo yaqaan Neglected tropical diseases kaas oo ay Somalia ka mid tahay meelaha uu ku badan yahay.
Xanuunkan ayaa ku bilaabma nabro yar yar oo xanuun lahayn oo kasoo baxa cagta, barar iyo dheecaan ka imaada nabraha kadibna tartiib u faafa una burburiya hilibka iyo lafta ugu danbeena sababa qalooc, jab iyo cuuryaanimo qofka ku dhacda maadaama laga yaabo in lugta la jaro hadii xanuunku aad u faafo.
Xanuunka wuuxu ku badan yahay meelaha dhoobeyda iyo dadka beeraleyda.
Article-ka hoose oo ay qoreen Suleiman et al oo ka tirsan Mycetoma Research Center ka Jaamacada Khartuum ee dalka Sudan ayaa waxa uusoo koobayaa waa maxay Xanuunkan, qaybihiisa kala duwan iyo mida ugu muhiimsan Goorma ayaa la qalayaa sideese ayaa loo daaweynayaa?
Waxaa xusid mudan in Xanuunka daawo leeyahay; Lugta, gacanta ama meesha uu ku dhacayna la badbaadin karo hadii xili hore la xakameeyo infekshanka sidaa daraadeeda waxaa bukaanka la gudboon in uu dhakhtarka xili hore u tago, dhakhtarkana si agressive ah ula tacaalo xanuunkan.
Sidoo kale waxaa halkan ka aqrisan kartaa Articles badan oo la xiriira Mycetoma oo ay World Health Organization (WHO) qortay iyo waxa ay WHO ka qabato Mycetoma
Dr.Sayid wuxuu qoraa ama soo aruuriyaa Maqaalo ku saabsan Xanuunada Lafaha iyo kuwa kale ee ku badan Somalia kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka laga update gareeyo Approach-ka loo maro daaweynta Xanuunadan. Fadlan Aqriso in ka badan 100 Article oo uu Dr.Sayid horay u qoray ama uu soo aruuriyay.
