Maxaa ka Cusub Journal of Bone & Joint Surgery (July 2024)

Bil walba waxaa Qaybtan ku falan qeynaa Articles-ka ugu waaweyn ee uu daabaco Journal of Bone and Joint Surgery (JBJS), Articles-kaas oo ah kuwa cusub ama ugu xiisaha badan ama aan ugu yaraan is dhaho waxay muhiim u yihiin wadciga Soomaaliya ama region ka.

Maxaa Cusub

Bishaan July 2024, Journal ka wuxuu daabacay Articles kala duwan oo uu ugu xiiso badan yihiin Articles ka hadlaya: What is New in Orthopaedic Trauma, Serum and Synovial markers in the diagnosis of Periprosthetic Joint Infections of the hip, knee and shoulder: an Algorithmic approach iyo Is Type Two Diabetes Mellitus associated with spinal degenerative disorders?

What is New in Orthopaedic Trauma ayaa waxaa looga hadlay Proximal Humeral fractures maxaa u xal ah: Nonoperative mise Operative (ORIF vs Arthroplasty)? Cilmi baaristii u danbeysay oo ah Systematic Review iyo Meta-analysis ayna kujireen 22 trial iyo 1,814 bukaan ayaa fiirisay farqiga u dhaxeeya hadii aan la qalin, hadii qaliin ORIF plate and screw la sameeyo iyo hadii Arthroplasty loo sameeyo bukaanada da’doodu ka weyn tahay 50 sano ee leh displaced proximal humeral fracture. 

Gabagabadii waxaa la ogaaday in wax farqi ah u dhaxeyn in qaliin loo sameeyo iyo inaan la qalin in terms of clinical outcome iyo range of motion. dhanka kalana waxaa la arkay in comlications ka ay sadax laab ku badan yihiin bukaanada la qalo!. Halkan ka Aqriso Study-ga oo dhameystiran.

Waxaa sidoo halkan ka aqrisan kartaa dhamaan Articles ka uu daabacay journal-ka bishan July 2024

Fadlan halkan ka Aqriso Article-ka.

Waxaa sidoo kale halkan ka aqrisan kartaa Articles ka kale ee JBJS daabacay bishii June 2024.

Waxaana Articles kaas ka mid ahaa What is New in Spine Surgery iyo Articles kaloo xiiso badan.

Maxaa ka cusub Joornaalada kale ee ugu waaweyn Orthopaedic-ga? Fadlan halkan ka Aqriso.

Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan guud laga siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan.

Waxaa la Qoray

3 July 2024

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Baraarujin: Xirfadle Caafimaad kasta waxaa lagama maarmaan ah inuu sameeyo Continuing Medical Education joogta ah si uu u update gareeyo aqoontiisa. Xogahan korana waxaa loogu tala galay inay kaa saacido kor u qaadista Aqoontaada.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.