Maxaa ka cusub Journal-ka International Orthopaedics ee SICOT (May 2024)

Bil walba waxaa Qaybtan ku falan qeynaa Articles-ka ugu waaweyn ee uu daabaco Journal-ka International Orthopaedics ee SICOT, Articles-kaas oo ah kuwa cusub ama ugu xiisaha badan ama aan ugu yaraan is dhaho waxay muhiim u yihiin wadciga Soomaaliya ama region ka.

Maxaa Cusub

Bishaan May 2024, Issue 6 ka Journal ka daabacay 31 Articles oo dhamaan ah Pediatric Orthopaedics.

Topic-yada ayaa isugu jira Trauma, Spine, Foot and Ankle, Infections and Tumors.

Mid kamid ah Articles ka ayaa ah Delphi Consensus ku saabsan Prevention, Diagnosis and Treatment of Developmental Dysplasia of the Hip (DDH) taasoo ay 14 Dhakhaatiir Orthopaedic ah oo Eastern Europe iyo Middle East ka soo kala jeeda ay isku raaceen oo ay sameeyeen 26 Statement oo ku saabsan Prevention, DIagnosis and treatment of DDH.

DDH waxay kamid tahay xaaladaha ay ku dhashaan caruurta taasoo hadii early la detect gareeyo si fudud loo xalin karo balse hadii ay daahdo keeni karto dhibaatooyin iyo long life disability.

Gabagabadii, waxay Cilmi baaristan Tix-raac u noqon kartaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaala xanuunkan iyagoo ka qaadanaya waxyaabaha applicable ku ah Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Article ka.

Waxaa sidoo kale halkan ka aqrisan kartaa Dhamaan 31-da Articles kale ee International Orthopaedics lagu daabacay Bishan May 2024.

Waxaa sidoo kale halkan ka aqrisan kartaa Issue-gii 5aad ee la dabaacay bishii hore.

Maxaa ka cusub Joornaalada kale ee ugu waaweyn Orthopaedic-ga? Fadlan halkan ka Aqriso.

Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan guud laga siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan.

Waxaa la Qoray

14 May 2024

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Baraarujin: Xirfadle Caafimaad kasta waxaa lagama maarmaan ah inuu sameeyo Continuing Medical Education joogta ah si uu u update gareeyo aqoontiisa. Xogahan korana waxaa loogu tala galay inay kaa saacido kor u qaadista Aqoontaada.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.